Xukuumadda Somaliland oo Ka Jawaabtay Hadalka Madaxweynaha Puntland iyo Go’aanka Waddani

0
527

“Waxay ila tahay hadalka Puntland ee ah Somaliland aanu meel heblaayo ka wada hadalno mid meel maraysa maaha”

“Telefishannada aanu heshiiska kala saxeexanay ee ku dhaqmi waaya waxaannu isla tagaynaa Maxkamad”

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna afhayeenka Xukuumadda Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye, ayaa shaaciyey in Golaha Wakiilladu uu yahay gole u madax-bannaan  gudashada waajibaadkiisa, waxaanu sheegay in xisbiyada qaranku ay ku  heshiiyeen haddii Aqalkaasi diido labada xubnood ee Komishanka doorashooyinka lagu kordhinayey in sidaas lagu galo doorashooyinka.

Wasiirka wuxuu ka hadlay mooshinkii Aqalka Wakiilladu laaleen ee ku wajahnaa in 7-da xubnood ee Komishanka doorashooyinka lagu kordhiyo laba xubnood oo cusub; “Golaha Wakiilladu waa kuwii maalintii dhaweyd laalay heshiiskii saddexda xisbi, saddexda xisbi waxay ku heshiiyeen xeerkaas waxaynu u gudbinaynaa Golaha Wakiillada haddii uu diido, waxaynu ku wada shaaqeynaynaa sidii hore ee 7-da xubnood aheyd, waxaana golaha cusub ee la soo doorto loo gudbin doonaa labada  xubnood ee cusub. Golihii Wakiilladu wuu diiday Goleyaasha qaranka ee kala ah Xukuumadda, Sharci dejinta iyo Garsoorkuna way kala madax-bannaan yihiin, dadka qaar ama xisbiyo ha noqdeen  ama ashkhaastii ka hadlay arrintan waxaad moodaysay in saddexdii waaxood ee dawladnimadu iskaga khaldameen.

Golaha Wakiilladu waa  xeer-dejintii waana saddexdii tiir ee qaranimadu ku taagnayd, xisbiyadu markii ay heshiinayeen haddii Goluhu soo diidaan in sidaas doorashada lagu galo ayaa lagu heshiiyey. Goluhu waa gole sharci-dejineed qaabka uu u arkaa iyaga ayey u taallaa,”ayuu yidhi Wasiir Maxamed Muuse Diiriye oo maanta shirjaraa’id ku qabtay xafiiskiisa.

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Siciid Cabdilaahi Deni, wuxuu yidhi “Madaxweynaha Puntland oo ka tirsan dawladda Soomaaliya wuxuu yidhi ‘Waxaan doonaynaa inaanu ka wada hadalno  Somaliland dhul uu magacaabay’ innaguna kala tag ayeynu maraynaa oo waxaynu nahay ummad cod (Afti) ka qaaday dadkoodii oo dastuur sameystay ayeynu nahay, Somaliland waa dal 28 sannadood shaqeysanayey oo madax-bannaanidoodii la soo noqday.

Dhibaatadii ka dhacday Tuka-raq iyo hawsha nabadgelyada waynu ka wada hadli karnaa, waxay ila tahay hadalka Puntland ee ah Somaliland aanu meel heblaayo ka wada hadalno mid meel maraysa maaha. Waxa loo baahan yahay in loo sheego (madaxweynaha Puntland) annagu (Somaliland) waxaannu la hadlaynaa tii aanu wax isku darsanay ee Soomaaliya la odhan jiray, waxaanan ka wada hadlaynaa qoddobadii ay Ingiriiska ku wadagaleen madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweynihii Soomaaliya ee Sheekh Shariif, qoddobkiisa lixaad ee heshiiskaasi wuxuu sheegayaa inay Somaliland iyo Soomaaliya ka wada hadlaan mastaqbalkooda.”

Wasiirku wuxuu caddeeyey inay maxkamad la geli doonaan telefishannada ku xadgudba qodobbadii ay hore u kala saxeexdeen Wasaaradda Warfaafinta, waxaannu yidhi; “Maalintii qolada TV-yada aanu u sii daynay labadii Telefishan ee la xidhay waxay saxeexeen  Telefishannadu  11 qoddob, ilaa hadda qodobbadii intoodii badnayd may fulinin. Waxaanu leenahay waanu soo jeednaa ciddii qodobbadaas ku xadgudubta waxaanu ku heshiinay in la isla tago Maxkamad, ha ogaadeen inaanu intii aanu wax kala saxeexanay isla tagayno Maxkamad, inta aan saxeexin talo kale ayaanu iskugu noqon.”

“Telefishannada aan Somaliland laga lahayn ee xafiisyada ka furtay dalka, waxaanu ku nidhi noo soo gudbiya shaqaalihiinna. Waana  in masuulka Hargeysa u jooga uu masuul ka ahaadaa  Weriyeyaasha ku sugan degmooyinka  kale ee Somaliland oo waa in Weriyeyaasha TV-yadaas u jooga degmooyinku aanay warka iska dirin ee waa  inay u soo diraan masuulkooda jooga  magaalo-madaxda Hargeysa,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu, waxaannu intaas ku daray; “Shaqaale la soo dirsaday ayaad tihiin waanu idiin ogolaanay annagoo tixgelinayna madax-bannaanida Saxaafadda inaad war ka dirtaan Somaliland, telefishannadaasi waxaanu  amar ku siinaynaa inay wixii aanu ku heshiinay fuliyaan haddii ay fulin waayaan waxaanu kala noqon waraaqihii aanu siinay ileyn marka horeba waxay ahaayeen dad ajanabi ah innamo u dhashay ayaa u shaqeeya, inamadaasna annagaa shaqo siin.”

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here