Xukuumadda Somaliland oo Cashuur xad-dhaafa kusoo rogtey Khudaarta ka timaada Itoobiya

0
1566

Hargeysa (Hargeisa Press)- Masuuliyiinta wasaaradda Maaliyada Somaliland, ayaa cashuuro xad-dhaaf ah ku soo rogay khudaarta ay ganacsatada reer Somaliand ka soo waaridaan dalka Itoobiya.

Cashuurtan xad-dhaafka ah, ayaan hore loogu sii wargelin ganacsatada khudaarta keena Somaliland, iyagoona ay ku warhelay uun kastamada cashuuraha ee galbeedka Somaliland sida Wajaale, Kalabaydh iyo Abaarso, waxaana amar lagu siiyay in ay bixiyaan cashuurtaasi oo ah mid aanay qaadi Karin.

 

Talaabadan ay Wasaaradda Maaliyaddu cashuurta ku kordhisay khudaarta ka timaada dalka Itoobiya ayaa noqotay mid sharci daro ah islamarkaana aanay awoodi karin Ganacsatada keenta khudaarta kala duwan ee lagu isticmaalo Somaliland

Xukuumadihii kale danbeeyay ee Somaliland soo maray, ayaa iyagu si agaar ah u ilaalin jiray cashuurta khudaarta maadama dadka reer Somaliland yihiin dad danyar ah kuwaasi oo aanay suurto gal ahayn in ay  iibsan karaan khudaarta.

Hadaba talaabadan cashuur kordhinta khudaarta ee ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda, ayaa walaac xoogan ay ka muujiyeen Ganacsatada dalka keenta khudaarta taasi oo ay sheegeen in aanay qaadi karin madaamada khudaarta ay dalka keenaan marka horeba ay la daalaa dhacayeen saamayn iyo culays ka haystay isbebedalka sarifka lacagta Itoobiya oo mudooyinkii u danbeeyay ay ku dhacday qiimo dhac iyo khasaare kaga yimaada kala duwanaanshaha cimilada oo keenta in inta ay jidka ku soo jirto ay xumaadaan qaar badani sida, Baradhada, Muuska, iyo Khudaaraha kaleba.

Dhanka kale, xukuumadda cusub ee Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro oo iyadu ku soo ololaysay in ay u naxariisan doonto shacabka islamarkaana ilaalin doonto arrimaha ganacsiga, ayaa cashuurta ay ku soo rogeen masuuliyinta Wasaaradda Maaliyaddu ay noqonaysaa mid ka hor imanaysa balanqaadkii madaxwaynaha, halka ay dhanka kalena horseedi karto in khudaartu dalka ku soo gasho kootarabaan iyo kor ukac ku yimaada qiimaha khudaarta lagu iibiyo suuqyada Somaliland oo boqolkii 75% ka timaada dalka Itoobiya taasi oo aanay iibsan karin shacabka reer Somaliland oo xiligan ku jira dhaqaale daro iyo culayas nololeed.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga war sugi doonaa talaabada xukuumadda Madaxwayne Cirro iyo masuuliyiinteeda Wasaaradda ugu xil saarini ay ka qaataan go’aanka cashuur kordhinta ah oo aanay qaadin karin ganacsatada reer Somaliland ee dalka Itoobiya ka soo waarida khudaartu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here