Hargeysa,(HargeisaPress)– Guddoonka Baanka Somaliland ayaa qaabilay wafti ka socday ‘SABA AFRICAN BANK’ oo xarunta fadhigiisu yahay dalka Djibouti.
Weftigan waxaa Hogaaminayey Mr. Abdulraqib Salem oo ah Maamulaha Guud ee Saba African Bank ee Djibouti, waxaana ku wehelinayay laba xubnood oo kale oo ka mid ah maamulka sare Saba African Bank ee Djibouti iyo Xawalaadda Saba Money Transfer xarunteeda Hargeysa.
Ujeedada socdaalka weftigan ee Somaliland ay daaranayd xaqiiqo raadin iyo qiimayn sidii uu Saba African Bank xarun uga furan lahaa dalka iyo sidii ay u fidin lahaayeen maalgashigooda Somaliland oo hore ugu koobnaa ‘Shirkad Xawaaladeed’.
.
Ugu horrayn Guddoomiyaha Baanka Mr. Cabdinaasir Axmed Xirsi ayaa soo dhawayn diiran u sameeyay weftiga isagoona uga xog warramay xaaladda suuqyada maaliyadeed ee dalka iyo in ay soo dhaweynaan cid kasta oo dalka maalgashi ku sameysanaysa. Waxa kale oo uu xusay guddoomiyahu in dib u habayn lagu sameyn doono shurcuuda dalka si loogu fududeeyo maalgashadayaasha in ay dalka ku soo hirtaan.
Guddoomiye ku xigeenka Baanka Mr. Xamse Cabdiraxmaan Khayre iyo Agaasimaha Guud ee Baanka Mr.. Yaasin jaamac Axmed ( Calase) ayaa iyaguna dhinacooda tilaamamay in dalku baahi weyn u qabo maalgeshiga dibedda iyaga oo hoosta ka xariiqay in ay soo dhaweynayaan in la ballaadhiyo adeegyada baananka lana soo jiito bangiyo caalami ah.
Xubnaha weftiga ayaa iyaguna dhinacooda ka warramay sida ay u danaynayaan in ay sii ballaadhiyaam maalgeshigooda Somaliland oo ay hore xawlaadoodu uga shaqay jirtay. Gebogabadii kulanka ayaa ku soo dhammaaday isfgarad buuxa.