Xisbiga KULMIYE oo shaaciyey qaabka loo soo dhawaynayo Muuse Biixi

0
1152

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa caddeeyey qaabka loo soo dhawaynayo Madaxweynihii 5aad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo dalka dib ugu soo laabanaya Salaasada toddobaadkan kadib safar shakhsi ah oo uu dalka dibaddiisa ugu maqan yahay.

Sida lagu sheegay shir ay isugu yimaadeen hoggaanka xisbiga, xubnaha Guddiga Fulinta, qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamanka ee xisbiga iyo Wasiirro, kana qaybgaleen garabka haweenka oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE maanta.

Waxana lagu falanqeeyey sida loo soo dhaweyanayo Madaxweynaha hore oo la isla qaatay inay noqoto mid kooban oo aan wax u dhimin amniga iyo isu-socodka magaalada, iyadoo aan laga tagayn maamuuska uu xaqa u leeyahay Madaxweyne hore.

Doodo badan iyo falanqayn laga yeeshay arrintaasi kadib, waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed oo isagu shirka hoggaaminayey.

Waxaanu sheegay in masuuliyiin kooban oo isugu jira hoggaanka xisbiga, xubno Guddiga Fulinta ah, xildhibaanno iyo madax kale ay Madaxweynaha hore ku qaabili doonaan madaarka, una soo qaadi doonaan gurigiisa, isla markaana aanay taageerayaashu tagi doonin madaarka Diyaaradaha ee Cigaal.

May be an image of 8 people, dais and text that says 'IYE KULMIYE KULMIYE KULMIYE N KULMIYE KULMIYE KULMIYE EMAMINTA SOMAS KULMIYE AAMON KULMIYE KULM E KULMIYE HORS MID JUMARINT YO AND ΔΙΥΕ MI'

May be an image of 11 people, people studying and text

May be an image of 3 people, dais, newsroom and text that says 'LMIYE KULMITE A MIDNIMADA IYO RINTA SOMALILAND XISBIGA MIDNIMADA XISBIGAMIDNIMADAIY IYO HORUMARINTA SOMALILAND XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SO AND mE'

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here