Xukuumadda Somaliland oo Beenisay War Been Abuur Ah oo Ay Faafisay Idaacada BBC-du

0
1255

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland ayaa waxaa ay beenisay war been abuur ah oo ay faafisay Laanta Af-somaliga ee Idaacada BBC-da.

War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinyta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa lagu beeniyey War aan sal iyo raadtoona laheyn oo ay maanta duhurkii  baahisay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da kaasi oo ay ku sheegtay in “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu kulan xafiiskiisa kula yeeshay Wufuud ka socota Beesha caalamka,kuwaasi oo galabtanna la shiraya axsaabta siyaasadda.”

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo soo gaadhay Warbaahinta Hargeisapress.com, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warkaas xaqiiqada ka fog ee ay maanta baahisay Laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, Waxaanay Wasaaraddu  caddanaysaa in aanu jirin kulan uu maanta Madaxweynaha JSL Md.Muuse Biixi Cabdi la yeeshay weftigaas beesha caalamka ee ay BBC-du sheegtay inay la shireen.

Sidaas darteed, waxa Wasaaradda Warfaafintu ay Idaacadda BBC-da u soo jeedisay inay ka waantoobaan wararka noocan oo kale ah ee sameyska ah ee ay ka faafinayaan JSL, taasi oo nusqaan ku ah idaacadaas caalamiga ah oo indhaawle noqotay mid si joogto ah warar aan jirin uga faafisa Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasaaradda Warfaafintu waxay ku boorinaysaa Laanta Afsoomaaliga ee BBC-du inay ilaaliso karaamada dhegaysteyaasheeda oo aanay baahin warar been abuur ah isla markaana  aan dhicin.

 

Hargeisa Press Desk /Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here