“Xukuumadda shacabkeedii soo doortay qancin kari wayday,sidee ayay qarannimadeena…..” Dr. Maxamed-Culimo

0
769

HargeisaPress—Guddoomiyihii hore ee dallada dhalinyaradda Somaliland ee SONYO Dr. Maxamed-Culimo, ayaa ka hadlay isku shaan-dhayntii uu Madaxweynaha Somaliland ku sameeyay golihiisa Xukuumadda iyo weliba qaar ka mida guddoomiyeyaasha gobollada iyo Taliyeyaasha Ciiddamada qaarkood, taasoo uu ku macneeyay inaanay xal u noqon Karin cabashooyinka bulshadda ee is-biirsadday.

 

Dr. Maxamed-culimo oo arrintaas ku faaqidday qoraal kooban ayaa waxa uu yidhi “Isku shaandhaynta joogtadda ahi xal uma noqon karto cabashooyinka goboladda iyo dawaynta dareenka shacabka raadinaya balanqaadkii madaxweynahooga. Waa xukuumaddii ugu tiradda badnayd ee Somaliland soo marta, tayadeedana dood badan ayaa ka taagan

 

Shirarka tiradda badan ee beelahu waxay astaan u tahay kalsooni daradda lagu qabo xukuumadda.

Dhallinyaradeenii waxay badaha dan moodeen markii ay rajo beeleen ee loo abuuri waayey jawi dhiirigaliya aqoonta iyo kartidooda shaqsiga ah. Fursadaha shaqo ee soo baxa looma sina, waxaana inta badan si hoose loo siiyaa ehelka masuuliyiinta xilalka siyaasiga ah haya iyo inta dano gaar ahi ka dhexeeyaan.

 

Waxaa soo badanaya xadhiga muwaadiniinta ka aragtidda duwan habka ay xukuumaddu u fuliso barnaamijkeeda sigaasiga ah. Waxaad moodaa in xukuumaddu xadhiga muwaadiniinteeda ay ka doorbido qancitooda. Haddi mashaariicda xukuumaddu soo xambaartay iyo kuwa ay abuurtayba horumar inoo keenayaan waxaa haboon in shacabka lagu qanciyo ka hor inta aan la fulin.  Xukuumadda shacabkeedii soo doortay qancin kari wayday, sidee ayay qarannimadeena  ugu qancin kartaa bulshadda caalamka?

 

Abaarta ugu daran ee ina heshay waa hogaan xumo. Xukuumad, goleyaal qaran iyo xisbiyaddu way ka siman yihiin arrinkaas, waana astaan ay wadaagaan. Xayndaabkii sharciga way ka baxeen, xakamana may helin. Ugu dambayntii, waxaan soo dhawaynayaa wadahadallada lala furay Khaatumo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here