Xukuumada Somaliland oo Xabsiga Dhigtay Agaasimihii Ururka SODRA

0
2062

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland ayaa goor dhawayd oo caawa ah xabsiga u taxaabtay Agaasimihii fulinta ee ururka SODRA ee Somaliland Axmed Shaqale.

Masuulkan ayaa la sheegay in loo haysto qoraal uu baraha bulshadda ku qoray kaas oo uu ku weeraray Xog-hayaha madaxweynaha Mubaarik Ismaaciil Taani.

Axmed Shaqale, wuxu qoraalkiisa ku sheegay in xoghaye Mubaarig Taani yahay hogaamiyaha kooxda lumisay Madaxweyne Biixi ee HEEGO.

Dhinaca kale, ururka SODRA ayaa cambaareeyay xadhiga ay xukuumadu kula kacday agaasimaha fulinta ururkaasi Axmed Shaqale.

Waxaanu ururku sheegay in xukuumadu si bilaa shuruuda ay xoriyadiisa ugu soo celiso agaasimaha fulinta ee ururkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here