Xukumadda Somaliland Oo Rajo Fiican Ka Muujisay Xidhiidh Wanaagsan Oo Dhexmara Nigeria iyo Somaliland

0
866

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xukuumadda Somaliland, ayaa soo dhoweysay Madaxweynaha cusub ee loo doortay waddanka Nigeria ee galbeedka qaaradda Afrika Mr. Muhammadu Buhari oo doorashadii madaxtinimada ee dalkiisa ka dhacday cod aqlabiyad ah kaga guulaystay madaxweynaha hadda talada haya Mr. Goodluck Jonathan.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo sidoo kale ah cilmi-baadhe aqoon dheer u leh cilmiga dhaqan-dhaqaale iyo isbeddellada bulshooyinka kala duwan ee adduunka, ayaa Jamhuuriya u sheegay inuu xxidhiidh weyn oo shaqsiyan la leeyahay inta badan siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada waddanka Nigeria iyo rajada uu qabo faa’iidooyinka siyaasiga ah ee Somaliland ka heli karto isbeddelka siyaasadeed ee dalkaas ka dhacay, kadib doorashooyinkii madaxtimada ee qabsoomay horraantii toddobaadkan.

 

“Dawladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waxay soo dhoweynayaan Madaxweynaha cusub ee dalka Nigeria Mr. Muhammadu Buhari, iyagoo ku hambalyeynaya guusha taariikhiga ah ee uu ka soo hooyey doorashadii madaxtooyada ee dalkiisa iyo sidoo kale madaxweynaha doorashada lagaga adkaaday oo si geesinimo iyo dimoqraadiyad ku dheehan tahay ugu hanneeyey kursiga madaxweynenimada ee hoggaamiyaha mucaaradka loo doortay.

 

Anigu shaqsiyan waxa ii dheer oo saaxiibtinimo la leeyahay inta badan siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada reer Nigeria oo aannu hawlo badan ka soo wada shaqaynay sida Dr. Tajud-diin Abdulrahman oo geeriyooday dhowaan, kana mid ahaa ragga sida weyn loogu saadaalinayey inay isu soo sharraxaan doorashada madaxtinimada ee uu hadda ku guulaystay Madaxweyne Buhari. Waxaan rajo weyn ka qabaa in isbeddelka siyaasadeed ee ka dhacay ee dalka Nigeria uu wax badan ka beddeli doono xidhiidhka iyo macaamilka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland la leedahay waddankaas oo ah ka ugu dadka badan dalalka qaaradda Afrika.

 

Sidaa darteed, waxaannu ka rajaynaynaa madaxweynaha cusub ee Nigeria inuu kaalin mug leh ka qaato sidii dawladdiisu si degdeg ah xidhiidh siyaasadeed oo dhow ula yeelato dalka Somaliland, sidoo kalena gacan ka geysto ololeyaasha caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ugu jirto aqoonsi-raadiska.

Dawladda Somaliland waxa ka go’an, una qorshaysan inay si degdeg ah xafiis siyaasadeed uga furato magaalada Abuja ee caasimadda Nigeria, tallaabadaas oo aan filayo inay wax weyn ka tari doonto isu-soo-dhowaanshaha iyo xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal ka dhexeeya.

 

Nigeria waxay qaadday tallaabo aad u muhiim ah iyo tusaale fiican oo qaaradda Afrika oo dhan u horseedi karta inay ka hirgalaan hannaan dimoqraadiyadeed iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo u suurtogaliya horumar ay qayrkood kula tartamaan,” ayuu yidhi Wasiir-dawlaha Arrimaha Dibadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here