Jen. BUHARI oo Weli ku Horeeya Natiijada Doorashada Madaxnimo ee Nigeria

0
828

ABUJA, NIGERIA— Tirinta codadka doorashooyinkii dalka Nigeria ayaa waxaa weli ku horreeya hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas, Jen. Muhammadu Buhari, iyadoo madaxweynaha xilka haya ayaa isna ka gaaray guulo waaweyn gobollada dalkaas qaarkood.

Jen. Buhari ayaa illaa hadda ku guuleystay 10-gobol oo ka mid ah 36-ka gobol ee Nigeria ay ka kooban tahay, halka Goodluck Jonathan uu isna ku guuleystay codadkii laga dhiibtay 8-gobol iyo magaalada caasimadda ah ee Abuja.

Gobollada uu guulaha ka gaaray Jen. Buhari oo kasoo jeeda gobollada ku yaalla Wqooyiga dalkaas oo Muslim ahaa qaarkood ku yaalla Koonfurta dalkaas oo ahaa kuwii ku xooganaa madaxweynaha xilka Nigeria haya oo maxiisi ah.

Sidoo kale, guddiga doorashooyinka Nigeria ayaa lagu wadaa inay ku dhawaaqaan maanta gellinka dambe waqtiga dalka Nigeria inay si rasmi ah ugu dhawaaqaan natiijada doorashada madaxnimo.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee  Mareykanka, John Kerry iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Britain, Philip Hammond ayaa war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay in doorashooyinkii Nigeria ka dhacay ay ahaayeen kuwo si wanaagsan oo aan rabshado lahayn ku dhacay.

“Inkastoo doorashooyinku u dhaceen si fiicn, haddan waxaanu baqdin weyn ka qabnaa in la carqaladeeyo madaxbannaanida guddiga doorashada iyo hoggaankooda… ama in la marin habaabiyo shacabka Nigeria,” ayay ku yiraahdeen war-saxaafadeedkood.

Murashxa guuleysta ayaa laga doonayaa inuu helo 25% codadka 24-gobol oo ka mid ah gobollada dalka Nigeria ee 36-ka ah, yadoo uu loolan adag xilligan u dhexeeyo loolan adag.

Dhanka kale, shacabka dalka Nigeria ayaa u codeeyay xildhibaanada golaha baarlamaanka dalkaas. Iyadoo shacabka dalka Nigeria ay sugayaan dhanka ay u dhacdo doorashada.

Si kastaba ha ahaatee, gobollo ka mid ah dalka Nigeria ayaa la xadiday isku socodka guud, iyadoo laga baqdin qabo in markii natiijada lagu dhawaaqo ay rabshado ka dhacaan.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here