Madaxweyne Siilaanyo Oo Digreeto Ka Soo Saaray Arrimaha Qaxoontiga

0
888

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa soo saaray Digreeto uu Wasaaradda arrimaha gudaha kaga hoos saarayo maamulida Qaxoontiga iyo barakacayaasha, kuwaasi oo uu shaqadooda ku wareejiyay wasaaradda dib u dejinta Somaliland.

Digreetada Madaxweyne Siilaanyo arrintan ku go’aamiyay ayaa u dhignayd sidan:-

WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3134/042015 ku go’aamiyey In Wasaaradda Dib-u-dejintu u madax-bannaan tahay hawlaha la xidhiidha Qaxootiyada iyo Barakacayaasha oo hore uga tirsanayd wasaaradda Arrimaha Gudaha.

 

Madaxweynuhu:-

 

 

Markuu Arkay:                Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta JSL ee summaddeedu tahay MRR&R/M/6/2025 ee ku Taariikhaysan 21/03/2015, ujeeddadiisuna tahay dib u soo celin Waaxdii Qaxootiga ee Wasaaradda Dib-u-dejinta oo hore loo hoos-geeyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

 

Markuu Arkay:                Qoraalka summaddiisu tahay M/W/M/241-013/082010 ee ku Taariikhaysan 03/08/2010, ujeedadiisuna tahay in Xilka Wasaaradda Dib-u-dejinta lagu wareejiyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taas oo looga gol-lahaa in la mideeyo labada Wasaaradood;

 

Markuu Tixgeliyey:      Dib-u-habaynta Wasaaradaha Xukuumadda ee kala saaridda Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda

Dib-u-dejinta oo yeelatay jiritaan qaanuuni ah iyo Wasiir

hoggaamiya, Qaab-dhismeedkeediina dib loo soo     celiyey;

 

 

 

 

 

Markuu Arkay:                Qoraalka Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee summaddiisu tahay RSL/VP/AUNA/29-OO1/106 ee 08/01/2006 iyo Qabyo-qoraalka Xeerka Nidaamka Xukuumadda ee Golaha Wasiirradu ku ansixiyey Shir Lr. 132 ee 03/04/2014, isla markaana Xukuumaddu u       gudbisay Golaha Wakiillada Somaliland oo ay ku xusan tahay in dadka qaxooti ahaan u jooga   Somaliland, dadka            dib uga soo noqonaya Xeryaha, dadka qaxootiga ee dalalka dibedda ka soo noqonaya iyo barakacayaasha gudaha ay Xukuumadda Somaliland uga mas’uul tahay Wasaaradda Dib-u-Dejintu;

 

Wuxuu go’aamiyey

 

1.     In Wasaaradda Dib-u-dejintu u madax-bannaan tahay hawlaha la xidhiidha Qaxootiyada iyo Barakacayaasha.

 

2.     In Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku wareejiso Wasaaradda Dib-u-dejinta Hawlaha ay haysay intii ay labada Wasaaradood isku jireen ee la xidhiidha qaxootiyada iyo barakacayaasha.

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here