Xubno Wasiiro Ah Iyo Maareeye Cali Xoor Xoor Oo La Filayo Inay Safar Ugu Baxaan Dalka Imaaraadka Carabta+Ujeedada Socdaalkooda Iyo Magacyada Masuuliyiinta Baxaysa

0
871

Hargeysa, (HargeisaPress) —Warar lagu kalsoon yahay oo Warbaahinta HargeisaPress helayso  ayaa sheegaya in badhtamaha todobaadka dambe la filayo inay dalka ka dhoofaan xubno wasiiro ah oo ka socda xukumadda somaliland iyo maareyaha dekeda berbera eng Cali Xoor Xoor isla markaana u socdaalaan dalka isku taga imaaraadka carabta.

 

Waxaana waftigani ay ujeedkoodu yahay sidii ay usoo dhamayn lahaayeen qalinkana ugu soo duugi lahaayeen wajigii labaad ee heshiiska wareejinta marsada magaalada berbera ee shirkada DP World , iyada oo la filayo inuu kulankani noqdo kii ugu danbeeyey ee qaalinka lagu duugo.

 

Xubnahana safarka ugu kicitimaya dalka isku taga imaaraadka carabta ayaa waxay wararku sheegayaan in kala yihiin .

1) Wasiirka arimaha dibada somaliland Dr Sacad Cali Shire

2) Wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Xuseen Dayr

3) Wasiirka qorshaynta qaranka Cali Shoombe

4) Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan

5) Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Xoor Xoor.

 

Xubnahana ka socda xukumadda somaliland ayaa waxa la filayaa inay badhamaha todobaadka danbe ay u dhoofaan dalka isu taga imaaraadka carabta walow ay warar hoose-na ay sheegayaan inuu waftigani raacayo madaxwaynaha somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo taasi oo muhiimada socdaalkiisu tahay sidii uu u soo saxeexi lahaa dhamaadka heshiiska wareejinta dekeda berbera oo maamulkeeda lagu wareejinayo shirkada DP World.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here