Xisbiga WADDANI Oo Magaalada Arabsiyo Xaflad Soo Dhaweyn Ah Ugu Sameeyey Siyaasiyiin Iyo Taageerayaal Isbedel Doon Ah Oo Ku Soo Biiray + SAWIRRO

0
978

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xaflad ballaadhan oo si heersare ah loo soo agaasimay isla mar ahaantaana shacabka reer Arabsiyo ugu dabbaal-degaayeen siyaasiyiin, xildhibbaano iyo taageerayaal kale oo aad u tira badan, ku soo biiray xisbiga WADDANI sida oo kale na ka soo diga-rogtay xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE, ayaa maanta la gu qabtay hotel Carafa ee magaalada Arabsiyo.

 

Waxaana xafladdan kala qeyb-galay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), xoghayaha guud ee xisbiga, xubno ka tirsan hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka ee xisbigaasi, ku waasi oo dhammaantood ba ay xoogaga taageerayaal isbedel doon ah oon dabada laga soo riixin ay ku soo dhaweeyeen caleemo qoyan, sida oo kale na lu laayey calanka Liimiga ah ee xisbigaasi iyo erayo ay ku muujinaayeen sida ay u taageersan yihiin xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay hormuud ka ugu yihiin siddii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen isbedel dhabba oo dalka ka qabsooma.

5-3-600x400

Qaar ka mid ah siyaasiyiintii iyo taageerayaashii ku soo biiray xisbiga WADDANI ee halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood ba waxa ay kuu dheeraadeen taageerada laxaadka leh ee ay ka degmo ahaan u hayaan xisbiga WADDANI iyaga oo sida oo kale na dhalliilo xoogga u soo jeediyey xisbiga Kulmiye oo ay ku tilmaameen in uu yahay xisbi hagraday guud ahaan deegaanada Arabsiyo.

 

“Maanta waxa aanu ku dhawaaqeynaa in aanu ku soo biirnay xisbiga WADDANI, waxa aanu ku hungownay oo aanu xaqqii aanu ku lahayn aanu ka weynay xisbiga KULMIYE. Mar haddii aanu xaqqayagii aanu ka weynay xisbigaas, annagu ma nihin dad cid gaar ah u xidhan, ma nihin dad biriij lagu tallaabo laga dhigto, sidaas awgeed, waxa aanu garanay in dhammaan ba shacabka deegaankani ay taageero buuxda la garab istaagaan xisbiga WADDANI, taageeradayadaasi na waxa ay noqon doontaa mid si dhab ah loo arko.”. Ayey yidhaahdeen qaar ka mid ah siyaasiyiintii iyo taageerayaashii ku soo biiray xisbiga WADDANI.

3-7-600x400

Siyaasi Xamarje oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa dhankiisa sheegay in uu boggaadinaayo siyaasiyiinta iyo taageerayaasha ku soo biiray xisbiga WADDANI. “Waxa halkan aan si aada u boggaadinayaa odeyaasha iyo wax-garadka maanta sida ballaadhan ugu soo biiray xisbiga WADDANI ee ka soo guuray guri caskii aan anigu beri hore ka soo guuray ee KULMIYE oo muddo sannad ka hor ah raggii iga ergeynaayey ay maanta iga daba yimaadeen aniga.”.Ayuu yidhi Siyaasi Xamarje.

 

Xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga WADDANI, xubno ka mid ah hoggaanka oo ka soo jeeda deegaanada gobalka Gabiley, syaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood ba waxa ay farxad weyn ku tilmaameen taageerayaasha ku soo biiray xisbiga WADDANI iyaga oo tilmaamay in dalku u baahan yahay xisbi isku wadi kari ee aanu u baahnayn xisbi kala foggeynaaya umadda Somaliland.

2-7-600x400

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Md.Uurcadde oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:

“Reer Arabsiyoow reernimadii meel baad iska dhigteen, qaranimo ayaad u gudubteen, qaran baana aad dooneysaan, WADDANI na waxa uu doonayaa qaran, aad iyo aad na waan idiin soo dhaweynaynaa.”.

 

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu ugu horreyn u mahad-celiyey dhammaanba taageerayaasha iyo siyaasiyiinta kala duwan ee ku soo biiray xisbigaasi.

7-3-600x400

“Madaxda xisbiga WADDANI ee gobalka Gabiley, mas’uuliyiinta degmada Arabsiyo, dhammaan guddidii qaban-qaabada ee suurto-geliyey xafladdan sida fiican loo bilay, odeyaashii, cuqaashii, haweenkii, dhallinyaradii iyo dhammaan ba shacbiga ku nool degmada Arabsiyo baa ad bay ugu mahadsan yihiin sida fiican ee ay noo soo dhaweeyeen. Munaasibadda maanta, haddii aan ka hadlo, runtii annaga na shucuurtu waa ay na qaaday, magaalada waanu soo dhex-marnay, sheekhii magaalada(Sheekhal Beledkii) na waanu soo marnay oo isaga na waanu ka soo duceysanay, ducadii na xafladdan quruxda badan ayaanu la nimi, sheekha iyo culimada na waanu u mahad-naqeynaa, waxa aanu u mahad-naqeynaa shacabka reer Arabsiyo een u kala hadhin in ay na soo dhaweeyaan, ee u hadlay sida geesinimada leh, sida oo kale na cabiray dareenkood dhabta ah. Annagu waxa aanu nahay xisbiga ugu da’da yar xisbiyada Somaliland.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here