Xisbiga WADDANI oo Galabta Tartan Ciyaareed Hargeysa uga Furay Laba Kooxood oo Ka Kala Socday Naadiyada Kubadda ee Ka Dhisan Gabilay iyo Hargeysa+SAWIRO

0
1087

Hargeysa (HargeisaPress) —Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa galabta tartan ciyaareed u furay laba kooxood oo mid ka mid ahi ka socotay gobalka Gabilay iyo koox kale iyadu na ka socotay gudaha Hargeysa.

Tartan ciyaareedkan oo si saaxiibtinimo ah u dhex-maraayey labada kooxood ee Duufaan iyo Nile, ayaa waxa maal-geliyey Xisbiga WADDANI iyada oo kulankii furitaanka na ay ka soo qeyb-galeen Madaxa Ololaha Xisbigaasi Md.Xamse Kheyre, xoghayaha ciyaaraha ee Xisbigaasi, xoghayaha maaliyadda ee garabka dhallinyarada iyo weli ba xoghayaha hawlaha guud ee Xisbiga WADDANI.

Saraakiishan ka socotay Xisbiga WADDANI oo halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood ba sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay koobkan ciyaareed ay u qabtaan labadan kooxood, waxaana ay sheegeen in ka xisbi ahaan ay mar walba ku dedaalayaan siddii u garab istaagi lahaayeen dhallinyarta Somaliland si ay uga joogsadaan in ay ku dhacaan balwadaha iyo aafooyinka Tahriibta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here