Xisbiga KULMIYE oo Xukuumadda iyo Ciidamada Ka Difaacay Eedaymo Mucaaradka Uga Yimid

0
897

Hargeisa (Hargeisa Press) – Af-hayeenka xisbiga KULMIYE, Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), ayaa jawaab adag ka bixiyey eedaymo ay madaxda Axsaabta mucaaridku si joogto ah maalmahan ugu jeedinayeen Xukuumadda iyo ciidamada ammaanka.

Af-hayeen Cabdinaasir Muxumed Xasan oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE ee caasimadda Hargeysa, ayaa been abuur iyo jiho-habaabin ku tilmaamay hadallo ay madaxda axsaabta mucaaridku kaga falceliyeen shaqsiyaad eedo loo xidhay.

Waxana uu shacabka u sheegay in murrashaxiin xisbiga KULMIYE katirsani kamid yihiin dadka ciidanka ammaanku xidhxidheen.

“Waxannu shacbiga reer Somaliland u sheegaynaa in xisbiga KULMIYE ay ka xidhan yihiin murrashaxiin u tartamaya goleyaasha kala geddisan ee labadaas doorasho ee isku sidkan, ayna ku kala xidhan yihiin Caynaba iyo gobolka Awdal, haddaba xisbiyada mucaaridka ahi maxay marka hay’adaha ku shaqada lihi qof soo eedeeyaan u dhibsadaan ee ay ummadda ula wadaagaan wax aan jirin.”ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga Kulmiye.

Af-hayeenku waxa uu hoosta ka xarriiqay inaan loo dulqaadan doonin in ciidamada amniga haya ay madaxda mucaaridku si joogto ah ugu gefaan, dawladnimada tacabka badan la geliyeyna jiritaankeeda  dafiraan.

“Dalkani ku socon maayo in maalin walba ciidamada qaranka la caayo oo la yidhaahdo dawladi ma jirto, intaad maalin walba soo istaagtaan baad leedihiin dawladi ma jirto oo nidaam ma jiro. Maxaad gees ilaa gees murrashaxiinta lacagta uga urursanaysaan ee aad habeenno usii dhaxaysaan haddii aanay nabadi jirin,” ayuu yidhi Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni.

Cabdinaasir Buuni, Af-hayeenka xisbiga Kulmiye waxa uu ciidamada ammaanka usoo jeediyey inay waajibkooda ka gutaan cid kasta oo aflegaaddaysa shaqadooda iyo dulqoodkooda, shacabkana jiho-wareerinaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here