Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland oo lagaga dhawaaqay Wadanka Holand.

0
698

HargeisaPress– Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdala ayaa waxa uu sheegay in sababaha Xisbigan loo aasay ay tahay sidii uu wax uu uga qaban lahaa Baahiyaha Waxbarashada Caafimaadka iyo adeegayada Bulshada ee kala duwan.

Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdala ayaa waxa kale oo uu sheegay in Xisbigan ay iska dhex arki doonaan Shacabka Somaliland oo dhan,isla,markaana uu yahay Muwaadin xaq u leh in la doorto isna wax doorto sida ku cad Dastuurka dalka.

Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdala ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in Shacabka Somaliland ka gudbeen in qabyaalad wax ku doortaan, taasina ay tahay ta keentay aasaaska Xisbigan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Axmed Cabdala ayaa waxa uu xusay in Xisbigani noqon doono mid u siman yihiin Shacabka Somaliland oo ay iska dhex arki doonaan,waxaana uu tilmaamay in aanu noqon doonin mid u afduubay shalhsiyaad gaara.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdala ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka Somaliland in ay ku soo biiraan Xisbigan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here