Somaliland: Wasaarada Deegaanka oo Qabatay Kulan lagaga Arrinsanayo ugaadhsiga Harimacadka

0
521

Hargaysa (HP): Waxaa saaka ka furmey hutel Ambasadoor ee magaaladda Hargaysa tababar ku saabsan la dagaalanka ugaadhsiga iyo ka Ganacsiga Duur-joogta gaar ahaan Xayawaanka Harimcadka.

Tababarkaas oo socon doona muddo shan cisho ah waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland.

Waxaana furitaanka tababarkaasi ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda deegaanka, wasiirka cadaaladda, iyo agaasimaha haayadda CCF.

Sidoo kale waxaa tababarkaasi ka soo qayb galay saraakiil ka tirsan ciidamadda booliska Somaliland.

Shukri Xaaji Ismaaciil Baanadare, wasiirka deegaanka Somaliland oo hadal ka jeedisay shirkaasi ayaa ka hadashay dhibaatooyinka ugaadhsiga sharci darrada ah ee  lagu hayo Harrimacadka.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY