Xildhibaannada Reer Kenya oo la kulmay Shir-guddoonka Guurtida iyo Wakiillada Somaliland

0
898

Hargeysa, (HargeisaPress) —Shirguddoonka Golayaasha Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiillada, ayaa kulan la qaatay Xildhibaanno ka socda dalka Kenya oo Hargeysa ku sugan. Waxaanay markii kulankoodu soo dhammaaday Xildhibaannada Reer Kenya qaarkood iyo labada Guddoomiye la hadleen Warbaahinta.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay inay Xildhibaannada Reer Kenya ee Booqashada ku yimi Somaliland soo dhaweeyeen, kuna faraxsan yihiin Safarkoodan iyo waxyaabaha ay labada dal is-dhaafsan karaan, iyaga oo sidoo kale, Xildhibaannada Xubno u hadlay sheegeen inay ku faraxsan yihiin Safarkooda Somaliland iyo waxa ay Dawladda iyo Shacabka Reer Somaliland qabsadeen ee nabadgelyadu ugu horreyso.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here