Safiir Ku-xigeenka Itoobiya oo Sheegay In Aqoonsigii Somaliland Raadinaysay Suurta-galay

0
1055

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Safiir ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Itoobiya Mudane Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa sheegay in aqoonsigii Somaliland mudadda raadinaysay wakhtigan Illaahay suurtageliyey helitaankiisa oo uu dan is-weydaarsiga Itoobiya ku yimi.

Waraysi dhinacyo kala duwan oo ku simaha Safiirka, ahna Safiir-xigeenka Md Barkhad shalay telefishanka MM-tv la yeeshay ayuu kaga hadlay dedaalada Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka geystay gaadhitaankii hadafka shacabka Somaliland mudadda soddon sannadood iyo dheeraad raadinaysay, su’aalo kala duwan oo la weydiiyeyna qaarkood u dhaceen sidan.

Xidhiidhada ugu qotada dheer ee laba wadan dhexmara ayey wada leeyahiin Somaliland iyo Itoobiya, kana mid yihiin ganacsi, amni, bulsheed, diblomaasi iyo siyaasadeed.” Ayuu yidhi mar la weydiiyey xidhiidhka Itoobiya.

Heshiiska isfahamku sida marar badan xukuumada iyo Madaxweynaha Somaliland uga hadleen waa danno is-weydaarsi, heerar calami ah ayuu maraa. Isfahamkii waa la saxeexay, guddiyo farsamo inay sii ambaqaadaan ayaa lagu jiraa, halkaa ayuu marayaa,” ayuu yidhi mar la weydiiyey heshiiskii somaliland iyo Itoobiya.

Safiir Barkhad ayaa sheegay in bulshada Somaliland soo dhoweeyeen heshiiska Itoobiya, isla markaana sugayaan faahfaahintiisa, waxaanu yidhi,

“Mid baan saxxayaa, cidna kama soo horjeedo heshiiska isfaham, inta ka hadashay ama kulamo dhacayna waxay leeyahiin heshiisku maxuu ku saabsan yahay, na fahamsiiya.”

“Waxa dadka reer Somaliland ama soomaalida kale loo sheegay waa warar dad cadow ah wadaan ku doonayaan inay ku khalkhalgeliyaan, laakiin waxa bedeli doona heshiiska iyo soo bandhigistiisa.” Ayuu ku jawaabay mar la weydiiyey in bulshada laga qarinayo nuxurka heshiiska.

Hoos ka daawo muuqaalka waraysiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here