Xildhibaan Mubaarig Bidhi Oo Si Adag Uga Hadlay Facebook Magaciisa Lagu Samaystay Oo Xukumadda Somaliland Lagu dhaliilay ,Shacabkana Fariin Udiray.

0
960

Burco, (HargeisaPress) — Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) Oo Ka Tirsan Golaha Degaanka Degmada Burco Ayaa Sida Fiinta Uga Qayliyay Faceebook Been Abuur Ah Oo Magaciisa Lagu Qoray Oo Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi Eedo Looga Jeediyay.

Xildhibaan Bidhi Wuxu Facebookaas Ku Tilmaamay Mid Been Abuur Ah Oo Magaciisa Lagaga Been Abuurtay Isla Markaana Sharaftiisa Lagu Wiiqayo, Waxaanu Qoraal Uu Soo Gaadhiyay Shabakada HargeisaPress ayaa u Dhignaa Sida:-

Asalamu Calaykum Dhamaantiin Asxab Iyo Ehel Cid Kasta Oo Saaxib Ku Nahay Boogan Facebooka Ku Leyahay Waxàa Ilaa Doorad Lay Shegaayay Anigu. Ma Arag Facbook Magacaygu Ku Qoran Yahay Oo La Samaystay Oo Dawlada Muse Bixi Madaxweynaha Ka Yahay Lagu Maagayo.

Waxanse Leyahay Dawlada Cusub Madaxweyne Ka Yahay Waxan Ka Mid Ahaa Ragi Codka Ka Kenay Togdheer Guushàna Ku Suntan Ujedkaygu Mu Ahayn Xil Don. Ujedkaygu Mu Ahayn Waxnaba. Ujedkaygu Waxaa U Ahaa In Xisbigayga Kulmiye U Mar Labad Ku Guulaysto Jagada Madaxweyne Iyo Kuxigenka .Alxamdu Lilaah Alle Waa Nagu Guleeyay Madaxweyne Muse Bixi Iyo Madaxweyne Kuxigenka Cabdiraxmaan Saylici . ANIGU Ilaa Hada Waa Boogadinaya Madaxweyne Muse Bixi Sida Wax U Wado Ugu Cadalad Sameeyay Ki Dortay Iyo Ki An Doran .Waa Garab Tagan Nahay.

Hada Aragtan Facebook Magacayga Lagu Samaystay Oo Dawlada Lagu Magaayo Maha Aniga Cida Samaysatayna Haday Jirto Talabo Sharciiya Ka Qadaya Waxan Idin Kaga Tagaya Dawlada Hala Shaqeeyo.

FIIRO GAARA” Wakhtiigi Ingiriski Iyo Cidanka Sayid Dagaalamayen Ayaa Cidanka Ingirisku Ka Qabtay Sayidka Maxabis Waxaa Ku Jiray Nin Geesiya Oo Sirta Hayey. Ingiriski Ayaa Maxabisti Intay Laayen Ka Soo Reben Ninka Waxay Ku Idhaahden Waa Ku Sidaynayna Nala Shaqe Oo Dheh Sir. Ninki Intu Cabar Amusay Ayuu Ku Yidhi Ingiriski I Dila Anigu Afkan Sayidka Ku Idhi Sir Ku Odhan Maayo. Halki Ayaa Ninki Lagu Dilay.

Mida Kale Waxan U Sheegaya Dadka Iga Ben Aburaya.Magacayga Foojari Garaynaya. Talabo Sharciga Wafaqsan Ayan Ka Qadaya, Waxan Idin Sheegaya Anigu Afkan Doga Ku Cunay. Caws Ka Daba Gayn Mayo

Magaca Ben Aburka La Sameeyay Hadan Arkay Siicid Nuur Wad Mahadsan Tahay. Wan Ku Qoslay Magaca Qoren Bidha Mid Cadhaysan Ayaa Qoray Sawirkayga Soo Qatay. Tugta Waa Ku Daba Jira Wanay Ka Qomamayn Donan.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here