Xildhibaan Maxamed Abiib oo Sheegay In Taliyaha Booliska Somaliland U Hanjabay

0
1582

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta sheegay in hanjabaad iyo baahdil uu kala kulmay taliyaha Booliska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-Gale).

Xildhibaanka oo shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in isaga iyo taliyaha uu muran ku dhex maray xarunta dambi baadhista ee CID, kaddibna taliyaha uu ku yidhi “Iska tag annagaa kuu gelineyna shaadh kuleeg, kaddibna naqaanaa halka aan ku geyn doono”.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa is-weydiiyay halka taliyaha uu geyn doono, kaddibna raaciyay in taliyaha la weydiin doono haddii isaga la waayo.

Xildhibaanka, ayaa sheegay in gelinkii dambe ee maanta uu tegay xarunta dambi baadhista ee CID-da si uu u soo oggaado halka ay mareyso baadhista dad laga soo xidhay deegaan doorashadiisa iyo in hoggaanka CID-da uu ka socdo mid kamid ah wariyayaasha ku xidhan saldhiga dhexe oo xanuusanaya loo soo wareejiyo CID-da.

“Markaan kasoo baxay xarunta waxaa iga horyimid taliyaha booliska iyo taliyaha RRU-da, kaddib taliyaha ayaa igu yidh: Maxaad kasoo doontay halkan, ma hooyadaa baa leh? Waxaan ugu jawaabay maya ee waxaa leh qaranka? Markaas ayuu iisii raaciyay adiga ma waxaad tahay qaranka? Waxaad cadow ku tahay Somaliland? Mana soo geli kartid xarun uu leeyahay booliska”. ayuu ku sheegay shirkiisa.

Waxaa uu taliyaha ka codsaday in uu la yimaado caddeyn ku aadan halka uu ku noqday “Cadowga Somaliland”.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa shirkiisa jaraa’iid ku caddeeyay in garyaqaan Xuseen Shabeel uu kamid ahaa ku dhowaad 30 qof oo ku sugnaa goobtii murankaasi uu ka dhacayay.

Garyaqaanka oo la hadlayay warbaahinta, ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday ficiladii taliyaha ciidanka booliska, islamarkaana lagu tilmaami karin ficilo masuuliyadeed.

Waxaa uu xusay in marar badan uu isku dayay in taliyaha uu xusuusiyo masuuliyadiisa, balse aanu dhegeysan, laakiin beddelkeeda uu ku guuleystay in uu xakameeyo xildhibaan Maxamed Abiib oo la socday.

“Waxaan ka xasuustaa hadalada taliyaha in uu lahaa waxaan kuu xidhaynaa shaadh kuleeg, waad kibirsantahay, mana tihid Somaliland ee waxaad tahay cadowgeeda”, ayuu yidhi garyaqaanka.

Garyaqaanka, ayaa sheegay in muddo 20 sannadood ah uu ku soo jiray garsoorka, balse aanu waligii soo arkin taliye u dhaqmaya sida Maxamed Aadan Saqadhi.

“Xarunta CID-du waa meel u shaqeysa dadka, mana aha meel qof loo diidi karo. Taliye Maxamed ka hor waan geli jirnay, haddana waan geleynaa”, ayuu sii raaciyay.

Taliyaha booliska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi, wali kama aanu hadlin eedaha culus ee loo jeediyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here