Hargeysa,(HargeisaPress) — Xildhibaan Naasir Cali Shire oo kamid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa shaaciyey in madaxwaynaha Somaliland Farmaajo uu yahay cadawga Somaliland isla markaana uu u hawl galay sidii uu u hor istaagi lahaa qadiyadda iyo madax-banaanida Somaliland.
Waxaana uu sidoo kalena xildhibaanku ka dhawaajiyey in ay jiraan afar albaab oo Somaliya kasoo weerarayso qaddiyadda iyo madaxbanaanida Somaliland isaga oo xukuumadda ugu baaqay inay si deg deg ah wax uga qabato isaga oo sidoo kalena xukuumadda ugu baaqay inay dib eegis ku samayso wad hadalada u bilaabmaya Somaliland iyo Somaliya.
HargeisaPress News Desk —Hargeysa