Xiisad U Dhaxaysa Somaliland iyo Jabuuti oo Ka Taagan Lawyocado

0
1489

Lawyocado (Hargeisa Press)- Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Lawyacado ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad muran xoogan dhalisay oo u dhaxaysa dawladaha Somaliland iyo Jabuuti.

Xiisadan ka dhex aloonsan Somaliland iyo Jabuuti oo dhalisay muran xoogan ayaa labadii maalmood ee u danbeeyay ka taagnayd deegaanka Lawyocado.

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in xiisada muranka labada dawladood ay salka ku hayso dhisme ay Wasaarada Maaliyada Somaliland ay ka bilaawday xadka deegaanka kala qaybiya Jabuuti ee deegaanka Lawyocado.

Xiisadan oo ahayd mid cusub oo maalmo taagnayd ma jirin cid ka hadashay labada dawladood ee Somaliland iyo Jabuuti.

Warar xogogaal ah oo aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka kala tirsan Somaliland iyo Jabuuti ay isku hor fadhiyaan xadka Lawyocado.

Dhinaca kale, Xukuumada Somaliland ayaa la sheegay in ay hakad gelisay dhismaha muranka ka dhex dhaliyay Somaliland iyo Jabuuti ee ay Wasaarada Maaliyadu ka waday xadka Lawyocado.

 

Wariye: Xamse Jirde

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here