Madax-dhaqameed iyo Waxgarad Ka Soo Jeeda Ceel-afweyn oo Ka Hadlay Mowqifkooda Cafiska Kornayl Caarre

0
1148

Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Qaar ka mid ah Waxgaradka, Cuqaasha iyo Madax-dhaqameedka ka soo jeeda deegaanka Ceel-afweyn oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Ceerigaabo ayaa waxa ay ka hadleen mawqifkooda ku aadan cafiskii uu Madaxweynaha Somaliland u fidiyay Ciidamada Jabhada Kornyal Caarre.

Madax-dhaqameedkan ka soo jeeda Ceel-afweyn ayaa waxa ay ka hadleen xaalada nabad geliyo ee deegaanka Ceel-afweyn, iyagoona Xukuumada Madaxweyne Biixi ku eedeeyay inay hagranayso waxka qabashada nabad gelyada deegaankaasi.

Waxa ay sheegeen in la joogo wakhtigii ay labadaasi Beelood ee wada dega deegaanka Ceel-afweyn ay ka tashan lahaayeen ayahooda nabada.

Hargeisa Press Desk/Ceerigaabo Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here