Maayarka Xudun Oo Ka Hadlay Ayax Fara Badan Oo Ku Habsaday Degmadda

0
780

Laascaanood (Hargeisa Press.com): Maayarka degmada Xudun Faarax Cali Ibraahim, ayaa  sheegay in Ayax faro badan uu ku habsaday beeraha degmada Xudun ee gobolka Sool.

Faarax Cali Ibraahim, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Laascaanood waxa uu sheegay in xiligan oo uu degaanku rooban yahay uu degaankaasi faro baas ku hayo Ayax ku degay beerihii degmadaasi.

Waxaanu tilmaamay in ay ka maamul ahaan ku dedaalayaan sidii ay Ayaxaasi uga kicin lahaayeen beeraha uu ku degay, iyaga oo kaashanaaya shacabka degaanka iyo ciidamada Qaranka Somaliland ee degaankaas ku sugan.

Degaamadda uu Ayaxu ku degay ayuu sheegay Maayirku in ay kala yihiin degaanadda Awr-Boogays, Sarmaanyo iyo Xudun  oo ka kala tirsan goboladda Sool iyo Xaysimo.

Waxaanu yidhi “Iyadoo lagu jiro xili roobaad, oo degaanku barwaaqo yahay, ayaa hadana Ayax fara badan uu ku habsaday degaanka iyo Diir.

Markii wax kaloo aanu qabano aan garan waynay shacabkii iyo ciidamadii ayaa rasaas bilaabay, si loo kala eryo Ayaxa. Waxyaabahaas oo dhan waxba kama tegayaan.

Waa ilaa Awr-boogays, Sarmaanyo oo Taleex ka tirsan, Xudun. Beerihii ay dadku beerteen, ee midhaha laga guran lahaa, buu ku degay Ayaxu”.

Maayarka ayaa baaq u diray wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland oo uu ugu baaqay in ay gurmad ka geysato sidii Ayaxaasi looga kicin lahaa dhulka Beeraha  ah ee uu ku degay.

“Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha  iyo wasaarradaha ku shaqadda leh, haday tahay ta degaanka iyo ta beeraha in ay gurmad deg deg ah sameeyana, oo ay noo soo gurmadaan ayaan ka codsanayaa”ayuu yidhi Faarax Cali Ibraahim.

Dhinaca kale waxa uu Maayirka degmada Xudun ka warbixiyey mashaariicda horumarineed ee degmadaasi laga fuliyey, waxaanu tilmaamay in waqtigan la dhisay Gurigii degmada, goobihii caafimaadka, goobihii waxbarashada.

Waxa kale oo uu sheegay in ay sannadkani inta aanu dhamaan  u qorshaysan tahay dhismaha wadooyin ay degmadaasi yeelato, ayna dhowaan isku xidhi doonaan tuulooyinka degmada Xudun hoos yimaada.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here