Xiisad hor leh oo ka soo cusboonaatay bariga dhexe

0
509

ISTANBUL — Xiisad hor leh ayaa ka taagan gobolka bariga dhexe ka dib markii dhawaan Israa’iil ay weerarro ka geysatay gudaha waddamada Suuriya, Lubnaan iyo Ciraaq.

Israa’iil ayaa sheegtay in gudaha dalka Suuriya ay ku beegsatay ciidamo ay leedahay dowladda Iraan iyo maleeshiyaad Shiica ah halka gudaha Lubnaan, gaar ahaanna koonfurta caasimadda Beyruud ay ku soo dhacday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka loo yaqaan oo ay leedahay Israa’iil.

Koonfurta Beyruud ayaa ah meel xoogagga Xisbullah ay ku xoogan yihiin. Sidoo kale Israa’iil ayaa dhawr weerar ku beegsatay waxa ay ku tilmaantay maleeshiyaadka Iraan ay taageerto ee Shiicada ahi.

Madaxweynaha Lubnaan ayaa falalka Israa’iil ku tilmaamay mid ay ku iclaaminayso dagaal rasmi ah, waxaana hadalladaa kuwo la mid ah ay ka soo yeereen madaxda dalka Ciraaq.

Ururka Xisbullah ee uu hoggaamiyo wadaadka lagu magacaabo Xasan Nasrallah ayaa sheegay in ay soo ridi doonaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil.

Haseyeeshee hadalladaasi waxaa ka jawaabay ra’iisalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo isla markaana ah wasiirka gaashaandhigga Israaiil.

Netanyahu ayaa dalka Iraan ku eedeeyay weerarro argagixiso waxa uuna sheegay in Israa’iil ay isku difaaci doonto qaab kastaa oo suurtagal ah.

Mas’uul ka tirsan dowladda Israa’iil ayaa shalay oo Isniin ahayd sheegay in weerarrada qaar ee ka dhacay waddamada bariga dhexe aysan iyaga geysan.

Milatariga Israa’iil ayaan inta badan sheegan mas’uuliyadda hawlgallada ay ka fuliyaan gudaha dalka Suuriya balse waxa uu Sabtidii sheegay in uu weeraray dhawr goobood oo ku yaal dalkaasi isla markaana ay ka hortageen weerarro ay soo maleegeen maleeshiyaad Shiica ah oo lagu bartilmaameedsanayay Israa’iil.

Israa’iil ayaa la rumeysan yahay in gudaha dalka Suuriya ay ka geysatay boqolaal duqeymo ah tan iyo sanadkii 2011, xilligaasi oo ay soo billaabatay colaadda sokeeye ee Suuriya. Ujeedada ayaa lagu sheegay in ay tahay in ay ka hortagto saameynta Iiraan ay ku leedahay gobolka, gaar ahaanna Suuriya.

Muuqaal la soo saaray shalay oo Isniin ahayd ayaa ra’iisalwasaaraha Israa’iil waxa uu ku sheegay: “Iiraan waxay ka shaqeynaysaa sidii ay Israa’iil dhawr melood uga soo weerari lahayd. Israa’iill waxa ay sii wadi doontaa in ay isku difaacdo qaab kastaa oo suurtagal ah.”

Xiisadda u dhaxeysa Lubnaan iyo Israa’iil

Maalintii Axadda ahayd ayaa laba diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn oo milatariga Lubnaan ay ku sheegeen in laga leeyahay Israa’iil waxa ay ku burbureen degmada Dahia ee koonfurta magaalada caasimadda ah ee Beyruud, halkaasi oo ay maamulaan xoogagga Xisbullah.

Mid ka mid ah diyaaradahaasi ayaa ku soo dhacday dhismaha uu ku yaal xafiiska warbaahinta ee Xisbullah halka midda kale ay ku dul qaraxday meel u dhow halkaasi.

Koox reer Falasdhiin ah ayaa sidoo kale Isniintii sheegtay in Israa’iil ay duqeysay saldhig ay ku leedahay dooxada Bekaa ee dalka Lubnaan.

Israa’iil ma aysan sheegan mas’uuliyadda weerarradan balse madaxweynaha Lubnaan Misheel Coon ayaa ku eedeeyay Israa’iil, waxa uuna sheegay in arrintaasi ay la mid tahay “sida in Israa’iil ay ku dhawaaqday dagaal”.

Hoggaamiyaha ururka hubeysan ee Xisbullah Sayid Xasan Nasrallah ayaa sidoo kale ballanqaaday in dagaalyahannada ururkiisa ay dhulka soo dhigi doonaan diyaradaha aan duuliyaha la hayn ee Israa’iil, waa haddii ay soo galaan hawada dalka Lubnaan.

 

Israa’iil iyo Ciraaq

Dhanka kale gudaha dalka Ciraaq, ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Iraan ay taageerto ayaa Israa’iil ku eedeeyay duqeymo Axaddii lala beegsaday saldhigyo milatari iyo xarumo lagu keydiyo hubka.

Madaxweynaha Ciraaq Barham Salih iyo ra’iisalwasaare Caadil Cabdul Mahdi waxa ay duqeymahaasi ku tilmaameen “weerar ka dhan ah madaxbannaanida dalka Ciraaq”.

Haseyeeshee Israa’iil marna ma aysan sheegan mas’uuliyadda duqeymahaasi balse ra’iisalwasaare Netanyahu ayaa hadalkiisa waxaa laga dheehan karayaa in weerarradii isdaba jooga ahaa ee usbuucyadan ka dhacayay guud ahaan gobolka bariga dhexe ay Israa’iil mas’uul ka ahayd.

Moshe Kahlon oo ah wasiirka maaliyadda Israa’iil isla markaana xubin ka ah golaha ammaanka ee Israa’il ayaa isniintii shalay ahayd sheegay “in ay jiraan waxyaabo qaar oo innaga noola tiirinayo balse aanu wax lug ah ku lahayn”. Haseyeeshee marnaba wax faafaahin ah ma uusan bixin.

Israa’iil ayaa ciidankeeda heegan gelisay gaar ahaanna xudduudaha waddamada Lubnaan iyo Suuriya, waxaana arrintan iyo hadalka ka soo yeeraya ururka Xisbullah ay muujinayaan in gobolka uu mar kale qarka u saaran yahay colaad hor leh.

Balse waxa kaliya ee hortaagan dagaal la mid ah dagaalkii 30-ka maalmood socday ee sanadkii 2006 dhex maray Israa’iil iyo xisbullah ayaa ah in labada dhinac ay ogyihiin in aysan waxba ka faa’iideyn.

Waxaase si kasta oo ay xaaladu noqotaba Israa’iil garab taagan Mareykanka oo madaxweyne ku xigeenkiisa Mike Pence uu isniintii sheegay in Mareykanku “uu si buuxda u taageerayo xuquuqda Israa’iil ay u leedahay in ay isaga difaacdo halista ay wajaheyso”.

Arrintan ayaa ku soo beegmayso iyadoo xiisad xoogan ay horeyba uga taagnayd gobolkaasi, gaar ahaanna mid u dhaxeysa Mareykanka iyo Iraan.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here