Xubno Golaha Wasiiradda Somaliland Ah Ayaa Kormeeray Ilaha Dhaqaalaha Ee Gobolka Saaxil Oo Ay Ka Mid Tahay Wadada Marinka Berbera (Berbera Corridor)+ SAWIRRO

0
616

Berbera (HargeisaPress)—Guddida dhaqaalaha ee golaha wasiirada Somaliland ayaa kormeer ay maanta ku gaadheen magaalada Berbera waxa ay kormeer ku soo mareen goobo kala duwan oo ay ka mid yihiin Wadada isku xidha Berbera iyo Hargaysa ( Berbera Corridor ) ee ay maalgalinayso dawladda Isutaga Imaaraadka Carabta iyo   dhismaha madaarka magaalada Berbera iyo qaybaha cusub ee lagu kardhinaayo dekedda magaalada Berbera, waxaana markii ay waftigu gaadheen Degmada Laasgeel ee Magaaladda Dacar-budhuq oo uu ku yaal kaamka weyn ee shirikada dhisaysa Wadadaasi CONSER Consulting Engineers E.A, halkaasi war bixin ku siiyey Eng Mohammad Yahia iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka C/laahi abokor Cismaan oo waftiga ka mid ahaa waxaana ay sheegen in habsami u socodka dhismaha wadadu meel fiican marayo oo hada gacanta lagu hayo Wadadii ay mari lahayen Gaadiidku inta ta cusub la dhisaayo, halkaa waxa ay waftigu uga sii gudbeen dekadda magaaladda Berbera oo ay warbixin kaga dhaggaysteeen maareeye ku xigeenka dekadda Cabdi Cabdilaahi Mataan iyo sidoo kale masuuliyiin ka socotay shirkadda DP World waxaanay sheegeen in horumarka dekaddu meel fiican marayso sidoo kalena ay socoto hawlaha dhismaha lagu kordhinayo dekadda ee 400 Mitir ah.

© Communication Office of the MoRTD, Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil oo hadal kooban  ka jeediyey kormeerka ayaa waxa uu yidhi “Waxqabadka iyo horumarku waa mid aad indhihiina ku aragteen kuna arki doontaan kumanaynaan kala maqnayn oo mar walba xogogaal ayaad dhamaantiin u tihiin oo inta badan Wasiir Sacad ha noogu badnaado oo ha nala joogo mudooyinkii u dambeeyey, wasiiraduna dhamaantood waa rag aanu isku xidhanahay oo og shaqada halkan ka socota iyo horumarkeeda”

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Halkan waxaanu ku soconaa guddida dhaqaalaha ee golaha wasiirada oo ka kooban sagaal xubnood, ujeedada socdaalkayagu waa kormeer oo ah inaanu soo kormeero mashaariicda khaasatan kuwa waaweyn ee ka socda gobolka Saaxil iyo Gobolka Togdheer”.

Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga oo ka hadlay kormeerka kawaanka xoolaha ee Berbera ayaa waxa uu yidhi “Kawaankan iyo wixii la mid ah waa waxa aynu u baahanahay mustaqbalka inaynu u guurno oo neef qalan oo helay baraf ku filan oo ka soo baxay warshad haysata ictiraaf caalamiya oo aynu dhoofino neef qalan”

Axmed Xaaji Cabdilaahi Isuduwaha wasaaradda xanaanada xoolaha ee gobolka Saaxil oo kormeerka kawaanka xoolaha  ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Kawaankan gawraca xoolaha waa cusub yahay walina shaqo ma bilaabin se wuu cusub yahay qaadkiisuna waxa weeyi 250 ilaa 300 oo adhi ah in maalintii lagu qali karo, talaagadiisuna waxa ay qaadi kartaa 50 ilaa 70 adhi ah”

Weftiga ayaa intii ay kormeerkooda ku gudo jireen waxa ay booqdeen warshad samayn doonta daqiiqda iyo calafka xoolaha, warshadaasi oo noqonaysa warshadii ugu weynayd ee soo saaraysa daqiiqda oo laga hirgaliyey Somaliland, waxaana warbxiin ka siiyey weftiga masuuliyiin uu ka mid ahaa Axmed Faarax Xarbi oo ka mid ah mulkiileyaasha warshadaasi, waxaana ay sheegeen in warshadani wax weyn ka tari doonto wax soo saarka dalka.

Weftigu sidoo kale waxa ay booqdeen warshadii soo saari jirtay Sibidhka oo ay soo kormeereen qaybaha ay warshadaasi ka kooban tahay.

LEAVE A REPLY