Xasuustayda Qaahira iyo Safaarada Somaalida W/Qoray: Dr. Abdikarim D Hassan

0
510
Dr. Abdikarim D Hassan PHOTO FILE

17 may 2002 ayaan ka degay madaarka qaahira ee dalka masar, aniga iyo koox arday ah oo tiradoodu ahayd 23 oo ka dhoofay magaalada Hargaysa. waxay ahayd maalin xasuus leh oo aan marnaba maskaxdayda ka baxayn.

Waxaanu ku tagnay dalka masar Qorshe ah in aanu deeq waxbarasho ka haysano Jaamacada wayn ee Al-Azhar. waayo Al-Azhar iyadaa noo soo saartay Vise-yaasha oo naga bixisay tigidhada Addis iyo Qaahira. waxaanu ahayd kooxdii ugu horaysay ee arday somaliyeed ah oo wada socota oo qaahira sidaa ku gaadha intii wadanku burburay ka dib.

Hasayeeshee markii aanu gaadhnay qaahira qorshahayagii wuu is bedelay. Jaamacada Al-Azha-rna waxay noo sheegtay in aan lanoo ogolayn in aanu Jaamacada bilowno ee aanu ugu sarayn dugsi sare kasoo bilowno waxbarashada, taasi oo noo cuntami wayday. anagoo u arkaynay in heshiiskii lanagu keenay lanooga baxay iyo anagoo aan diyaar u ahayn in aanu dugsi sare dib ugu noqono. Jawaabtii jaamacadu waxay noqotay ama sidaa yeela ama suuqa gala.

Waxaan raadinay xal kale, waxa naloo sheegay in qaahira ay safaaradii Somalia furan tahay safiirna joogo. markii hore safaradu xisaabta noogumay jirin oo maanu kuba tashan. laakin warka nala siiyay ayaa ahaa bal in aanu tijaabino oo booqano safaarada.

Goor barqo ah ayaanu safaarada tagnay anagoo waxoogaa shaki ahina nagu jiro, calanka buluuga ahna ka yara didsan. Albaabku wuu iska furnaa sida caadadu ahayd, dad badan may joogin, buuqna maanu arag. ilaa gudaha ayaanu soconay iyadoo cidi najoojin. waxaanu markiiba tooyanay safiirkii mee?. Waxa nala gu yidhi wuu joogaaye idinku yaad ahaydeen?. Waanu is sheegnay anagoo waxoogaa yara kacsan. safiirka waa loo sheegay in ay ardayi doonayso isna markiiba wuxuu amray in si toos ah aanu xafiiskiisa ugu galno.

Safiir Cabdilahi Xassan (Allah ha u naxariistee) wuxuu ahaa qof aad u furfuran, u kaftan badan, u soo dhawayn fiican, saraaxi ah oo aan runta la gaban. shaah ayaa naloo dalbay iyo qaxwe, waxaanu markii nagala hor yimid “Waar ma nimankii reer Somaliland baa” waan ogaa in aad magaalada wadanka timaadeen” soo dhawada adeer. runtii sida uu noo qaabilay aad ayay noo dejisay, anaguna waanu salaanay.

Salaan iyo sheeko guud oo runtii ku dhawaad laba saac qaatay . waxaanu uga warranay in sababta aanu wadanka u nimid iyo ujeedkayaga. Safiirku aad ayuu ula yaabay sida aanu Waxbarashada ugu heelanayn. waxanan hadaladiisii ka xasuustaa meeshan cid waxbarasho doonaysaa iiguma timaado oo mudo dheer cid aqoon xiisaysa maan arag. waxa ii yimaada waa dad raba in waraaqo loo farsameeyo si ay xafiiska UNta isaga dhiibaan oo qaxoontinimo isu qoraan. Hadii aad idinku waxbarasha rabtaan oo ay idinka dhabtahay waan idinla raadin oo waan idiin howl geli. Safiirka waxaanu u cadaynay in aanu kuwaas uu arki jiray ka duwanahay oo aanu jaamacado raadinayno.

Caqabada kale ee naga hortimid waxay ahayd shahaadooyinka. waxaanu sidanay oo Azhar-nagu qaaday shahaadadii dugsiga sare ee Somaliland, laakin dowlada masar may aqoonsanayn oo jaamacadaheeda laguma geli karayn. taasna safiirka waanu u sheegnay, Wuxuu noogu jawaabay Somali baad tihiin oo taas waydun farsamayn doontaan ana waan idiin sharciyayn wixii aad iila timaadaan.

Sidaa ayaan xal ugu helnay arintii shahaadadana.

Xiligaas may jirin scholarship safaarada lasiiyo. laakin safiirku wuxuu bilaabay dadaal u wax ku dhaqdhaqaajinaayo oo wax barasho jaamacadeed uu kaga dalbanayo dowlada masar. Sanadkaas 2002 may suuro gelin in wax loo ogolaado, sanadkii 2003 waxa qaahira socod ku yimid Madaxwayne Cabdilqaasim salaad oo marti qaad Masar u fidisay. Safiirku arinkayagii wuxuu ku daray qodobada uu Madaxwaynaha kala hadlay, madaxwaynuhuna waxa uu kala hadlay dalka masar.

Sidaa ayaa waxa kusoo baxay oo bilaabmay in deeq waxbarasho safaarada lasiiyo. taasi oo tku bilaaban tay 10 arday laakin marwalba sii kordhaysay.

Deeqda waxbarasha waxa furay tegitaankayagii qaahira, dedaalkii iyo daacadnimadii Safiir Cabdilahi Xassan iyo codsigii Madaxwayne cabdilqaasim salaad xasan.

Waxaan ka mid noqday ardaydii ugu horaysyay ee kuliyada caafimaadka ee Jaamacada qaahira deeq waxbarasha laga siiyo ee safaaradu u howl gashay. Afar arday ayaanu ahayn sida aan filaayo. Ardaydaasina magaca Somalida kor ayay u qaadeen oo jaamacadihii way kuwada aflaxeen. taasaa keentay in tirada ardayda somalida si joogto ah loo kordhiyo sanadihii danbe.

Wakhtigaa laga soo bilaabo waxa jaamacadaha masar ka qalin jabiyay boqolaal, hadaanay kumanan gaadhaynba, arday somaaliyeed ah oo kuwa Somaliland-na ugu horeeyan. Dhakhaatiirtii iyo Engineeradii wax kasoo bartay waxay ka howl-galaan cusbitaalada ugu waawayn ee hargaysa iyo burco ee Somaliland. Qaar ayaa maanta ka shaqaysta wadamada qurba oo aniguba aan ka mid ahay. Fadligaa waxbarsho ee arday badan oo Somaali ah, kuwa Somaliland-na ugu horeeyaan waxa iska leh Safaarada iyo safiir Cabdilahi Xassan.

xidhiidh waalidnimo iyo saaxiibtinimo ayaa na dhexmartay aniga iyo safiirka. si joogto ah ayaan xafiiskiisa ugu booqan jiray oo aan ula sheekaysan jiray. Wuxuu ahaa qof somalida jecel, gaar ahaan da’yarta aqoonta jecel. Dhalin yarta ka timid Somaliland si gaar ah ayuu usoo dhawayn jiray uguna dhega nuglaa.

Safaaradu waa meel dad badan u furan. dad badan ayaana ka shaqayn jiray oo kala dabeecan iyo maslaxado ah. waxa laga yaabaa in dadkaa badan qaarkood ay si aan haboonayn ugu takri falaan howsha loo igmaday laakin waxaan dhicin marnaba in dad degaan gaar ah kasoo jeeda la takooray ama si gaar ah loo tilmaansado.

Sanadihii danbe waxa soo kordhay dadka tarhiibka ku yimad masar ee usii jeeda in ay badda maraan oo yurub galaan. dadkaasi inta ay wadanka joogaan waxay sheegan jireen in ay arday yihiin oo ay doonayaa waxbarasho jaamacadeed laakin ujeedadu waxay ahayd in ay ciqaamad ay ku joogaan ku helaan.

Dadkaasi hadii waxbarashad la siiyo way khasaarin jireen oo inta ay ciqaamada qaataan ayaanay jaamacadaha tegi jirin. taasi waxay dhib ka abuurtay safaarada oo waxaa adkaatay in lakala garto qofka si dhab ah waxbarasho ugu baahan iyo midka khasaariyaha ah ee tarhiibaaya. waxay keentay in shuruudo badan lasoo rogo si lookala shaandheeyo dadkaas.

Waxa iyaduna soo korodhay dad badan oo yurub caruurtooda ka keena oo inta passport-ka ajnabiga ah qariyaan, caruurta baasboor somali u sameeya kadibna safaarada deeq waxbarasho u doonta. Dadkani waxay diyaar la yihiin in ay lacag badan bixiyaan oo ay iib meesha geliyaan. arin kani wuxuu ku dhiiri geliyay afraad safaarada meelo hoose ka shaqayn jiray in ay dilaaliin isu bedelaan oo ay suuq madow safaarada dhexdeeda ka abuuraan. Arinkan waa laga hadlay in badan, Madaxa safaaraduna in ay xaliyaan aad yay ugu dedaleen laakin waxay keentay mararka qaar in qabiilnimo lagu difaaco oo safaarada culays lagu saro. waa Soomaali iyo xasaradeed!!

Dad badan oo somali ah oo deegano kala duwan kasoo jeeda ayaa xiliyo kala duwan qoloba si gaar ah uga caban jirtay qaybo ka mid ah maamulka safaarada. Waxay ahaayeen cabashooyin salka ku haya siyaasad, aano iyo sanifaad qabiil iyo maslaxado shakhsi ah oo la huwiyay shaadh qabiil. Qaar ayay dacwadoodu ahayd in 4.5 safaarada lagu dhaqo iyo wixii la mid ah. Somalidu meelkasta oo ay joogto waxa ku mudan sunta qabiilka iyo qoqobka.

Marka la isku soo duubo waxbarashadu waxay ahayd halka ugu fayow ee aanu madmadow badni geli jirin, safiirkuna si gaar ah isaga xilsaari jiray. wixii safiir cabdilaahi xasan ka danbeeyay waa la iiga badiyaa. Laakiin waxaan u holoday in aad bal tilmaamo in ardayda Somaliland ka timid ay qayb libaax ka qaadan jiraan wixii deeq waxbarasho ah ee Safaarada kasoo baxda.

Ilaahay ha u naxariisto Safiir Cabdilahi Xassan, waxa uu ahaa shakhsi hadal wanaagsan, soo dhawayn fiican oo aqoonta jecel.

W/Qoray: Dr. Abdikarim D Hassan

LEAVE A REPLY