Xog Culus: Qaraxyada waxa Fuliyey Saaxiibo Ilaalinaya Danaha Qadar si Imaaraadka Carabtu Uga Cararo Soomaaliya

0
932
The port in Bosaso, Somalia, is managed by an Emirati company. A recent attack there may have been carried out to advance the interests of Qatar and to drive out the Emiratis.CreditCreditFeisal Omar/Reuters

MOGADISHU —Cod qaab sir ah looga duubay telefoon ay ku wadahadleen Safiirka Qatar u jooga Soomaaliya iyo nin ganacsade ah oo saaxiib dhaw la ah Amiirka Dalka Qadar, ayaa fashiliyey in Dowladda Qatar ay si qarsoodi ah ula shaqayso kooxo loogu talogalay inay weeraro argagixiso ka fuliyaan degaannada Somaliland iyo Maamulka Puntland oo xidhiidh dhaw la leh dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo ujeedada qaraxyadaas looga dan leeyahayna tahay sidii Imaaraadka Carabta loogu qabsi lahaa inay ka baxaan heshiisyada maalgashi ee ay ka wadaan dekedaha Berbera iyo Boosaaso.

Wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, ayaa faafiyey maanta (22 July 2019) inuu helay cod sir ah oo uu ganacsadaha reer Qatar oo magaciisu yahay Khalifa Kayed al-Muhanadi, kaasoo uu Safiirka Qadar Ambassador ee Soomaaliya ugu sheegayo in kooxo u adeegaya danaha dalka Qatar ay fuliyeen weerar qaraxyo ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso bishii May ee sannadkan 2019.

https://somalilandpress.net/2019/07/23/with-guns-cash-and-terrorism-gulf-states-vie-for-power-in-somalia/

“Weerarka qaraxyada iyo dilalka ah waynu ognahay cidda fulintooda ka dambaysa,” ayuu yidhi ganacsadaha reer Qatar xili uu telefoon kula hadlayey safiirkooda taariikhdu markii ay ahayd 18 May 2019 oo ah toddobaad ka dib markii weerarku ka dhacay Boosaaso, waxaannu intaas ku daray; “Waxa loogu talogalay, loogana dan leeyahay in dadka reer Dubai ay meesha ka baxsadaan…waa in aynu meesha ka dareerino Imaaraatiyiinta si aanay u cusboonaysiin heshiisyada qandaraasyada ah ee ay kula jiraan, kadibna waxa aan qandaraasyadaas dib gacanta ugu soo gelin doonaa Doxa (Caasimadda dalka Qatar).

Waxa kaloo uu Wargeyska New York Times sheegay inay xidhiidh la sameeyeen ninka ganacsadaha ah iyo Xukuumadda Qadar, iyadoo aanay labada dhinac midna dafirin ama beenin jiritaanka codka sirta ah ee laga duubay telefoonka dhexmaray Safiirka Qadar ee Soomaaliya iyo ganacsadaha saaxiibka la ah Amiirka dalkaas, waxayna dowladda iyo ganacsaduhuba ku doodeen in codkaasi yahay muwaadin si shakhsi ah u hadlayey, balse aannu ahayn masuul iyo sarkaal dowladeed midna, sidaa darteedna uu codkaasi yahay mid ku kooban ninka ganacsadaha ah oo qudha.

“Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar waxay mar walba tahay mid ka shaqaysa oo abuuraysa deganaansho, xasilooni iyo barwaaqo….wax farogelin iyo qas ahna kuma samayso arrimaha gudaha dal kale oo madaxbannaan.” Sidaa waxa lagu yidhi qoraal ka soo baxay Xafiiska Isgaadhsiinta dalka Qadar oo arrintan lagaga jawaabay, waxaannu qoraalku intaas ku daray; “Qofkasta oo sidaas sameeyaana (hadalka ganacsadaha) maaha qof metela dowladda Qadar.”

Hasayeeshee, codkan sirta ah oo laga helay hay’ad sirdoon dibadeed ah (a foreign intelligence agency), Safiirka dalka Qadar ee Soomaaliya wax cadho ama diidmo ah kama muujin figradda odhaysa in dalkiisa Qadar uu wax door ah ka ciyaaray ama ku lug lahaa qaraxyada dhacay ee uu ku faanay ninka ganacsadaha ah ee khadka telefoonka kula hadlay. “Markaa sababta ay qaraxyada uga fuliyeen halkaasi ma waxay ahayd inay meesha ka eryaan,” ayuu Safiirka Qadar ugu jawaab-celiyey ninka ganacsadaha ah.

Ganacsade Khalifa Kayed al-Muhanadi, ayaa la sheegay inuu saaxiib aad u dhaw la yahay Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, waxaanna la soo bandhigay sawirro badan oo ay ku wada jiraan, iyadoo warbixino sirdoon oo uu wargeyska New York Times helay ay tibaaxeen in ganacsade Khalifa uu inta badan si joogto ah safarro ula galo Amiirka Qadar.

Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Xasan Hamza Asad

Safiirka Qadar ee Soomaaliya oo wargeysku khadka telefoonka ula xidhiidhay si wax looga weydiiyo codkan sirta ah ee la helay, ayaa beeniyey inuu wax aqoon ah u leeyahay ninka ganacsadaha ah, kadibna si degdeg ah ayuu telefoonkii u xidhay, si uu uga gabbado in su’aallo kale la sii waydiiyo, iyadoo waraysi kale oo lala yeeshay ganacsade Khalifa al-Muhanadi uu ku caddeeyey inay safiirka is-yaqaanaan, isku dugsina ahaayeen xiligii ardaydnimo.

“Anigu waxa aan ahayn nin hawl-gab ah, ganacsadena waan ahay, mana jirto wax dowlad ah oo aan metelo ama u shaqeeyo,” ayuu yidhi ganacsadaha laga helay xogta sirta ah, iyadoo la weydiiyey su’aal ahayd; “Waa maxay sababta aad cidda weerarka ka fulisay Boosaas aad ugu sifaysay inay yihiin saaxiibadiina? Waxa uu ku jawaabay; “Dhammaanba Soomaalida oo dhan ayaan saaxiib la ahay.”

Sida lagu sheegay warbixinta soo baxday, haddii ay dhab noqoto in dowladda Qadar ka shaqaysay weerarkii ka dhacay Boosaaso Bishii May 2019, ujeedaduna tahay inay meesha ka saaraan xidhiidhka Imaaraadka Carabta, waxa calaamad su’aal saaran yahay doorka Qadar ku yeelanayso weerar isna lagu dilay Maareeyihii Shirkadda P & O Ports uga masuulka ahaa Dekedda Boosaaso taariikhdu markii ay ahayd bishii February ee sannadkan.

Warbixintan oo faahfaahsan iyo dareennada kale ee ku xeeran halkan hoose kaga bogo.

https://somalilandpress.net/2019/07/23/with-guns-cash-and-terrorism-gulf-states-vie-for-power-in-somalia/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here