Soomaaliya Bur-burkeeda Aduunkaa Ka Wada Socda, Horta Yaan La Tuhmin, Waxaaney Eedey Awood Iyo Faham La,aan Caalamka Ah . Qalinka: C/raxmaan Jeesto.

0
231
C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto). Diplomatic Annalism.

Soomaaliya Bur-burkeeda Aduunkaa Ka Wada Socda, Horta Yaan La Tuhmin, Waxaaney Eedey Awood Iyo Faham La,aan Caalamka Ah, Somalilandse Waa Iney Ciriqa Heshaa Si Ay U Bad-baado. 

Qormadan iyo mawduuceega waxaan ku qaaraa-dhigi doonaa Dhibaatada Soomaaliya haysata siday ku kasbatey iyo iney tahay meel lagu heshiiyey khal-khalkeeda, Hadaba aad ha loo fahmo umada Soomaalida wax kasta oo haysta waa loogu tala-galey, Waase markey kala garan waayeen jihada ay dunidu u socoto ama danaheeda, Horta taasi weeyaan . Soomaaliya waxa ku dhacay jaho-wareer ama faham la,aan dhinacyadii isku Eryanayey “Cold Warka”, Dawladii fadaraalka Soomaaliya xiligii uu kacaankii Ina Siyaad Barre haystey waxa soo shaac-baxey Afkaaraha lagu kala faa,iidey ee lagu kala baxey, Kuwaasoo kala ahaa aragtiyihiin la kala odhan jirey ( Socialism & Communism), Oo afkeena noqonaya Hanti-wadaag iyo Hanti-goosad waa arraaho Dhaqaale iyo Siyaasad ku dhisnaa waxana kala aaminsanaa Reer Barri iyo Reer Galbeed hadaan sida kale u dhigo ( Warsaw and Nato).

Soomaaliya aragtiyahan waxay ajiibtey oo ay qaadatey dhinaca reer Barri fikirkooga (Socailism) Hanti-wadaag oo ahaa Dawladu iney umada tayeyso ururo u samayso , Wax walba ay yadu yeelato suuqa ganacsiga ay gacanta ku hayso iyo waliba wershadaha bulshada oo wada lihina ay ka shaqeysato laakiin hantidu tahay mid Soomaaliya leedahay walaa Madaxweyne walaa shakhsi kale aanu yeelan karin wax gaar ah, Soomaaliya marxaladani waxay ku gaadhey heer-sare wayna ka faa,iidey Ciidamadaa loo tayeeyey xidhiidh adegna waxay yeesheen Dawladii U.S.S.R. oo yadu hogaanka u haysey shuuciyada, Waxa lagu qiyaasaa iney cahdigan ay Soomaaliya gaadhey ( Made In Somalia), Shay kastana ay lahayd wershad u sameysa, Nasiib-xumose waxay ka hor timidey nidaamkii iyo fikirkii ay qaadatey , Waxay eridey xidhiidhkana u jartey dawladii Ruushka, Ka hor inta aaney horta eryin ruushka waxa Aduunkoo dhami ka yaabey Quwadii dawladii kacaanka iyo sidey u dheeraynaysey. Sidaa darteed waxa lagu godey farta.

Amuurtaa baddelkeeda waxay Soomaaliya talaabo u qaadey yadoon ka fiirsan iney la heshiiso (Nato) ama xulafadii uu hagayey Mareykanku , Yagoo waliba heshiis dhaba galey Siduu xaqiijiyo Danjirihii Kacaanka u fadhiyey USA. Amb: Ropert inkasta oo aanu sii waarin heshiiskii reer Galbeedka iyo Soomaaliya ama qoladii (Communismka) oo aheyd Hanti-goosi siyaasad ku dhisan in laysu hago hanti awooduna ay tahay shakhsiga hantida leh iyo suuq xor ah, Xiliyadani ay labada dhinacba banaanka ka joogto Soomaaliya ayaa waxa gudaheeda la saadaalinayey iney isu filnaasho ku dhaw dahay, Si aaney u sii socon ayaa la galiyey dagaalo Siyaasadeed yadoo tooshka caalamku ugu qabtey Soomali-galbeedbaa ka maqan Soomaaliya, Dagaalkii bay gashey khasaare iyo bur-bur bay kala kulantey, Hadana markuu mareykan danihiisii ka dex waayey ayuu dagaal ka bilaabey Magaalooyinkii Soomaaliya isku xidhayey ee Gal-dogob iyo Balan-bale si wadanka loo kala jaro waxana isku wajahay dagaalkaasi Itoobiya iyo Soomaaliya ma,aha kii 1977kii kani waa 1979kii , Hadaba dagaalkan waxa la dareemay in aan Soomaalida lagu duulin ee yaga laysu diro waayo waxa la yidhi umada yagoo madaxdu ku tiraabayaan Gaaalada ha laynaga qabto waaney ku mitideen dagaalkaasi, Waxana waji gabax la noqdey dawladii America ee Viruska beer is lahayd, Waxase la go,aansadey in Soomaali ulaha laysugu dhiibo.

Waxa la soo gaadhey xiliyadii sideetamaadkii in Soomaliya isku filaanayso, Balse caalamku wuu ka hawl-galey siduu Somaaliya uga dhigi lahaa quute markuu doono qaxootiya , Geesta kale waxa yaala In Soomaaliya uu cadaawad u hayo Ruush oo reer Barriga hagaa iyo mareykan oo Reer Galbeedka hagaa, Soomaaliya bartaasibaa laga qaniiney Itoobiya waxa barigii ula saftey Ruushka oo ka hor-imid dhinaca kale waxa isna Soomaaliya ku soo duuley 1193kii America oo ka daba-socotey calool xumo hore, Dunidu hays khilaafsanaato oo Barri Iyo Galbeed haw loolanto laakiin waxay ka mideysnaayeen ku duulista ama bur-burinta Soomaaliya, Sababtuna waxay aheyd yada oo dhinacna raaci waydey labadii dhinac ee Aduunku kala raacey, Dawladii Soomaaliya waxa lagu canaantaa iney fahmi kari waydey ama ay tahli kari waydey dhinaca uu caalamku u kala jeestay iney dareento yada oo dhinac ku adkeysanaysana ay mid raacdo, Wayse garan waydey umana suura-galin kasbashada amuurahaasi, Wixii intaa ka danbeeyey waa laga cad goostey qoryo ayaa laysugu dhiibey ninba nin buu ilaa maanta sidii isaga ilaaliyaa, Waxa intaa u dheer in Soomaaliya koox-koox loo qaybiyey.

Soomaaliyada aan waxa jira moodeynaa waa taasi mana laha maanta awood ay kaga gudbi karto caqabadaha haysta waayo ha moodina hadalada iyo isku dayada yar-yar ee ay ku kacaan iney wax weyn tahay, Yaga imika waxa baanado kala fur-fura isu-dira kala ilaaliya ah wadamada Khaliijka sida (Sucuudi-carabiya, Imaaraadka, iyo Qadar) iyo waliba Turkiga oo nidaam kale wata, Waxa intaa u sii dheer koox Beesha-caalamka ku xidhan ama Reer Galbeed oo ay ka mid yihiin Nabad iyo Nolosha imika haysata xukunka, Dhinacan khaliijka ngoyada wadaadada ayaa isu eryanaya Sida Aala-shiikh, Ahlu-suna-wal-jamaaca , Damul-jadiid, Waa daaqadaha khaliijku u sameeyey intaa iyo kooxdan reer galbeedka ayaa loogu tala-galey iney isku eryadaan xukunkana kolba mid lacagtii loo soo dhiibey wataa uu fuulo, Yadu xaalkeedu waa sidaa ma,aha maanta mid laga cawdo, ma,aha maanta mid Somaliland wax yeeli karaysa , ma,aha maanta mid si caadiya dawladnimadeedu u dhameystiran tahay, Markaa waa inaan loo jabin ama loo yaacin waligoodba meel haku dacwiyaan, Dunidana yaan lagu tuhmin balse waxay ku xidhan tahay dadaalka Somaliland in deyrkaa la jabiyo.

Somaliland ahaan waxaynu nahay Dawlad Soomaaliya la mid ah oo ay is raaceen wakhti wakhtiyada ka mid ah balse amin-xaadirtan dib ula noqotey dawladnimadeedii, Sidaa awgeed waxa jira doodo laysugu ladhayo laba dawladood oo kala tagey, Marka horena is raacey yagoo siman ayaa imika la marin-habaabiyaa nimankaasi Soomaaliya ee aan xaalkooda ka soo sheekaynayna ay ku andacoodaan Somaliland baa naga mid ah, Horta dunidu inoo kala eexan mayso laakiin waxa loo baahan yahay inaan marno tubaha ina gaynaysa waxaan doonayno, Waxa jira dunida afkaaro ama aragtiyo Caalamiya oo bud-dhig u ah is-xulafaysiga dawladaha dhinac ka wada jeeda, Somaliland maanta waxa la gudboon sameysta Istaraatajiyad u gooniya oo ay aduunka kula macaamisho, Waa xaqiiq dhab ah inay ku taalo mandaqad irmaan oo loo bahaan yahay Marinadeeda dhuleed iyo kuwa haweedba, Aduunkana waxa laysugu imanayaa laba walba ay u wada xaajoonayaan waa danaha ka dhaxeyn kara, Inagu waa inaan fahanaa muhiimada aan leenahay inta cadedkoodu yahay si aan dan ahaan ula xisaabtano Beesha-caalamka iyo duwelka aynu xidhiidhka la samaynayno.

Qorshaha Somaliland yaanu ku jirin iska taageerid xulafo bilaa faa,iido waayo taageerada waxa lagu mudanayaa godob laba dhinac oo is haya markaad kala taageerayso, Si aynaan u noqon sida Soomaaliya mid jaan-goyn kari wayda aragtida ay ku wajahayso caalamka oo cadceedu ugu dhacdo laba dhinac dhexdood, Mudnaanta waa in la siiyaa saaxiibtinimo balaadhan oo aynu la yeelano wadamada xulafada ay Somaliland la tahay laga dhaadhiciyo iney ula macaamilaan si wadan buuxa, Yada oo la qadarinayo xidhiidhka saaxiibtinimo laakiin hadii ay taasi lunto oo dalalka aynu saaxiibada nahay ay ciida dhanka kale u tuuraan, Waa mushkilad dhabar-jab weyn ah oo la soo darseysa geedi-socodkeena ama aaminaadeena Qaranimo, Dawlada Somaliland waa iney wadamada Khaliijka ee baanadaha Soomaalida ah is ka taagtaa qorshe cad ama xidhiidh dalka ha la lahaadaan amaba ha maal-gashadaane waa in ay Saaxiibtinimada dibloomaasiyadu ay ka muuqato oo aaney laba-codleyn hadii kale xidhiidhka loo jaro, Aduunka waxa ka jira dal oo aan la aqoonsanayn Aduunkuna aanu ku dhicin inuu aqoonsado waayo waxa sheeganaya dal ka mid ah Super Powerka oo la yidhaa (China), Waana dalka Taiwan oo sidii dal gooniya loola macaamilo hadaba khaliijka intaa diidey waa inaan iska taagnaa meel cad oo aan mad-madaw lahayn.

Fahanka Siyaasada caalamka ee Somaliland waa guusheeda ay ku hanan karto Qaran aduunka ka tirsan , Hadayse labac-labacleyso waa u mugdi iyo ku dhicitaan god halaq oo curyaamiya himiladeeda waayo waxaa qormadan igu kalifey in aan Soomaaliya laysku buun-buunin waxa aad weynaysaa wuu kugu weynaadaa uun, Waa inaan loo arag qaar dhibaato inagu haya oo aan la dareensiin qodobkaasi. Maxaa wacay mar waa niyad-jab ay muwaadiniintu niyad-xumaanayaan marka laga cawdo mar kalena waa ku Qalad dibloomaasiyada nidaamka aan marnaa, Balse waxa laynooga fadhiyaa qoraal la gaadhsiiyo dhinac walba si loo dareemo biseylkeena, Somaliland waa iney meel istaagtaa oo ay fahantaa danta laga leeyahay taasi baddelkeedana ay ku gor-gortantaa, Waa iney diyaarisaa saaxiibo caalamiya oo ula dhaqma sidii dal la aqoonsan yahay, Baritoole u hadli kara, Maalinta la duro kuwo difaaci kara, Waxaad moodaa imika wadamo badan oo aan isku haleynayney ay inagaga baxeen saaxiibtinimadii lana waayey xidhiidhkii inaga dhexeeyey, Aan ka korno xidhiidh aan ku qirsanayn dhinacna aan istaagno laynoogu yimaado, Soomaaliya wadada ay mareyso dunida Saddexaad iyo ta labaad waa la mariyey qaarkood waxana ka mid ah, Masar, Sria, Libya, Iraq iyo kuwo jidka ku soo jira markaa aan wax badan fahano si waxaan doonayno inoogu qabsoomo.

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto)

Diplomatic Annalysts.

Gabiley/Somaliland.

LEAVE A REPLY