Xarunta Xuquuqul insaanka Somaliland Oo Sheegtay inaanay Jirin Cid booliska Ka Saraysa oo La Xisaabtami Karta.

0
1457
Guleid Ahmed Jama Chairperson at Human Rights Center

Hargeysa,(HargeisaPress) — Guddoomiyaha Xuquuqul Insaanka Somaliland Guleid Ahmed Jaamac ayaa maanta soo bandhigay waaraqo loogu tallo galay in ay Bulshadda Somaliland saxeexaan si sharciyada loo waafajiyo booliska Somaliland oo sida ay xarunta Xuquuqul insaanku sheegtay ku kacaan tacadiyo aan lagala xisaabtamin.

Guuleed Dafac ayaa cadeeyay in dhibaatada Somaliland taalaa ay tahay inaanay jirin  cid la xisaabtamaysa booliska,waxaana uu sheegay in baadhis badan oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in boolisku ku kaco tacadiyo dhinac kasta ah taasina ay keentay in codsi loo gudbinayo madaxwaynaha Somaliland kaas oo lagu xadidayo awooda ciidanka booliska.

“Saxeexani waxa uu koobsanayaa in madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland dadka muwaadiniinta ahi ka codsadaan iyaga oo tiro badana ku saxeexaya in dibu habayn lagu sameeyo booliska Somaliland si booliska Somaliland u noqdo mid dacwadihiisa ka dhanka ahi maxkamadahu qaadi karaan in hadii uu gaf sharci layimaado ay jirto habab lagula xisaabtami karo oo cidii ka caban kartaa ay kaga cabanayso iyo in qaab dhismeedka booliska wax laga badalo si uu u noqdo mid casri ah.”ayuu yidhi gudoomiye Guuleed Dafac oo u waramay Somali Cable.

gudoomiye Guuleed Dafac oo sharaxaya codsiga saxeexa ah ee muwaadiniinta somaliland kaga  isla markaasna maxkamadaha dacwado ka dhan ah kafa furi karaan ciidanka booliska hadii ay ku kacaan gaf sharci ayaa waxa uu yidhi

“saxeexani waxa weeyaan mid  loogu tallo galay in ay saxeexaan dad badani si booliska Somaliland u noqdo mid lajaan qaadi kara booliska caalamka,taas oo isaga oo shaqadiisa watana uu ilaalinayo sharciga hadii qof ka mid ah boolisku xad gudub layimaadana qofka shacabka ah ee dhibtaasi soo gaadhana waa in ay jiri kartaa meel uu uga caban karo isla  markaasna lagala xisaabtami karo booliska,hadii kale waxa uu ku dhacayaa awood sida uu jecel yahay ah.

Geesta kale guddoomiyaha xuquuqul insaanka Somaliland ayaa sheegay sababta keentay in wakhtigan lasameeyo in bulshadda Somaliland Saxeexdo Codsi ay madaxwaynaha Somaliland kaga dalbanayaan inuu dibu habayn booliska lagu sameeyo ay tahay cabashooyin ay bulshadu ka qabto ciidanka booliska.

“cabashooyinka ugu badan ee xarunta xuquuqul insaanka soo gadhaa waxa ay ka yimadaan booliska,baadhitaano badan oo aanu samaynayna waxa ay la xidhiidhaa tacadiyo badan oo ay boolisku sameyeen,waxaanan ogaanay in dhibta meesha taal ay tahay inaanu jirin cid booliska ka saraysa oo xisaabin kartaa,qof bil aadana hadii meel lioo dhiibana oon lagula xisaabtamina waxa dhici karta inuu sida uu doonu u isticmaalo,markaas anaga oo taas ka duulayna ayaa waxa khasab noqotay in booliska dibu habayn lagu sameeyo taas oo u samaysan qaab dhismeedkii Dawladii maxamed Siyaad bare

Gaba-gabadii Guddoomiyaha xarunta xuquuqul insaanka Somaliland Guuleed Dafac ayaa tilmaamay in ay waajib tahay in qofkasta oo ciidanka booliska ka tirsani lala xisaabtami karo si aanu tacadiyo bulshada rayidka ah ugu gaysan,waxaana uu cadeeyay in ay tani ka danbaysay codsiyo iyo fariimo soo gaadhay xarunta xuquuqul insaanka oo ku saabsan in boolisku uu yahay ka gala tacadiyada ugu badan Marka ay baadhis xarunta samaysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here