WARBIXIN: 20 qof oo ku dhintay Weerarkii Jaamacadda Gaarisa + SAWIRRO

0
1006

Ku dhawaad 20 qof ayaa ku dhintay in ka badan 60 qof oo kalana wey ku dhaawacmeen weerar culus oo xoogaga ka tirsan Ururka Al Shabaab ay saaka ku qaadeen Jaamacada Magaalada Gaarisa ee gobalka waqooyi bari Kenya.

Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda Laan-qayrta Cas ee Kenya, ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 15 qof ay ku dhinteen weerarkaas halka in ka badan 65- qof oo qabo dhaawacyo kala duwan ay sheegeen in la geeyay isbitaalka Magaalada Gaarisa.

201542635635566443229352Jamacadda_Gaarisa (4)

Sidoo kale labo askari oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarkaas iyo qof shacab ah, ayaa iyagana la sheegay in dhaawacooda loo soo qaaday magaalada Nairobi kaddib markii lagu sheegay inuu ahaa mid aad u culus.

Dadka geeriyooday, ayaa iyagana lagu sheegay iney ku jiraan labo qof oo ka mid ahaa ilaalada Jaamacadaas, halka dableyda jaamacadaas weeraray tiradoodana lagu sheegay iney ahaayeen ilaa saddex nin oo aad u hubeysan, kuwaasoo wali ku jiro gudaha xaruntaas waxbarasho gaar ahaan qeybta ay ardaydu ka dagan yihiin Jaamacadaas.

Illaa 50 arday ayaa laga soo bad-baadiyay weerarkaas sida ay sheegtay Laan-qeyrta cas ee Kenya, waxaana laga cabsi qabaa in kooxdaas hubeysan ay halkaas ku afduubeen arday kale oo badan.

Jamacadda_Gaarisa (5)

Dhanka kale Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Nkaissery, Taliyaha guud ee Ciidamada Bilayska Kenya Joseph Boinett iyo Hogaamiyaha Golaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Bare Ducaale, ayaa maanta tagay magaalada Gaarisa kadib weerarkaas ayadoo walina gudaha magaaladaas laga maqlaayo dhawaqa rasaasta ka dhaceyso gudaha Jaamacadaas.

201542635635566198618848Jamacadda_Gaarisa (3)

Si kastaba ha ahaatee Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa Nadiif Jaamac, ayaa dhankiisa ka hadlay weerarkaas wuxuuna wax lagu xumaado ku tilmamay in la waxyeelo arday aanan waxba galabsanin oo ku jiro xaruntoodii waxbarasho.

Dadka deegaanka, ayaa iyaguna u sheegay warbaahinta in howl-gal culus ay ka wadaan banaanka jaamacada Ciidamada difaaca Kenya ee KDF iyo waliba kuwa Booliska oo hareereeyay dhismaha jaamacadaas oo ay gudaha ugu jiraan dableydii weerartay.

201542635635566290071013Jamacadda_Gaarisa (1)

Ciidamada, ayaa sidoo kale la sheegay iney xireen agagaarka isbitaalka weyn ee magaalada Gaarisa oo ah halka la iskugu geeyay dadkii ku dhaawacmay weerarkaas.

Warar aanan la xaqiijiin, ayaa dhanka kale waxey sheegayaan in kooxdaas hubeysan ay dadka kala saareen isla markaasna ay dileen qaar ka mid ahaa dadkii ay qabteen.

Goob joogayaal ayaa dhankooda waxey sheegeen in weerarkaas uu bilowday saaka abaaro 5:30-kii subaxnimo, isla markaasna uu markii hore ka bilowday Masaajid ku dhex yaallo jaamacada Gaarisa halkaasoo dableyda hubeysan ay dad ku dileen ka hor intii aynan u sii gudbin qeybta Ardaydu ay ka dagan yihiin jaamacadaas oo ay ku sugnayeen arday badan oo aanan Soomaali aheyn.

201542635635566378540034Jamacadda_Gaarisa (2)

Ugu dambeyn ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas, ayadoo Afhayeen u hadlay ururkaas oo lagu magacaabo Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab uu sheegay in ciidamadoodu ay howl-gal ka wadaan gudaha Jamacada Magaalada Gaarisa.

Al Shabaab oo ka dagaalanto wadanka Somalia, ayaa horay waxey u weerartay xarumo waa weyn oo ku yaallo gudaha dalka Kenya oo ay ka mid aheyd xaruntii Ganacsiga Westgate oo sanadkii 2013-kiiay al Shabaab sidaan oo kale u weerareen.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here