Wiirsiga Ganacsatada,Iyo Maatida Wiiqantay. Qalinka: Axmed Cisman Batuun

0
884
Axmed Cisman Batuun

Uma jeedo koox,shirkad ama cid gaara waxaase aan u jeeda ama qalinku ila galay codadka aan la maqal iyo cidaha aan la arag ee u badan maatida danyarta ah iyo bulshada inteeda aan waxba ku lahayn ganacsiyadda noocyada badan ee dalka ka jira ee aan aqoon u lahayn muranka sadex xagalka ah ee ku salaysan xeerarka bangiyada ribada iyo islaamiga in codkooda aan maqashiiyo cidda ay khusayso anoo waafajinaya xaalada taagan imika gaar ahaan xaga suuqyada maaliyada ee dalka iyo xaga sharciga.

 

Waa hubaal in marka lasoo qaado amuur dhaqaale ama ganacsi loo baahan yahay in si cilmiyaysan looga hadlo,ama ay faaqidaan dad wax ka yaqaan qodoban hase ahaatee geesta kale waxaa hubaala in bulshadu marba wixii taagan aragti ka dhiibato oo ay codkooda u gudbiyaan geesaha ay nolosha lamaanaha ku yihiin kuwaasoo ay ka mid yihiin siyaasiyiinta,culimada,ganacsatada iyo qaybaha kale ee mujtamaca.

 

Waxaa la ogyahay in maalmahan u danbeeyay laga hadlayay xeerar la mataano ah ama ku wareegsan arimaha dhaqaalaha waddanka kuwaasoo khuseeya bangiyada iyo hay,adaha maaliyada ee dalka isla markaana ay doodo badan oo iskasoo horjeedaa ka dhasheen sida qolo taageertay sharci dejinta oo ah hay,adda aloostay murankan ugubka ah qolo kasoo horjeesatay oo xaga mataanaha lacagta martay waa ganacsata e iyo bulshadii oo aan wax xog iyo aqoon ah ka haysan arrintan oo jaahwareer la dhex wareegaysa.

 

Hadaba marka hore aynu kusoo ururino su,aalo ay jawaabohoodu sal u yihiin arrintane,ganacsato oo ay xataa culimada intooda badani ku jirto hadii aynu ku horayno inta ay ka hadlayaan xeerar iyo sharciyo aan dhaqan galkooda iyo xilli ay golayaasha sharciga imanayaan la hubin miyaanay ka horayn in ay ka hadlaan culimada ganacsiga ku milmay ama guud ahaan ganacsatadu maatida tawaftay ee meceeshadu cirka ku marayso una badan danyarta ee aan lahayn dabaqadihii is kaabayay nolosha ee sadexda ahaa isla markaana noqotay labada dabaqadood ee kala ah mid dulman iyo mid dibbirsan?

 

maxaa laga ogyahay danyarta aan haysan sadexda waqti ee hela mid ahaan ama qaarkood sadexdaba ay qadaan,isla markaana caruurtoodu aanay guryaha kasoo bixin.

Laqanyo geeraarka kooxaha gacanta ku haysta ganacsiga bulshada ee magacyada badani miyaynaan odhan karin waa astaamo aan lagu aqoon dadka hantida haysta,kuwa diinta iyo dhaqanka loo daba fadhiisto iyo xataa jeeblayaasha bulshada wax ka iibiya.

 

Xaga sharci dejintana hadii aynu eegno ma odhan karnaa xiligani maaha xiligii ay golaha keeni lahaayeen mashaariic noocana inagoo cuskanayna qodobada xaga sare ku xusan oo waxaa loo baahnaa waqtigan in ay ka hadlaan ama keenaan qodobo lagu xakamaynayo sarif bararka sicir bararka iyo silica maatida aan haysan gasiinka.

 

Su,aasha aan jawaab buuran loo hayn ee ka dhex guuxaysa bulshada ayaa waxay tahay hadii ganacsadihii uu yahay sheekhii diinta ama sheekhii yahay ganacsade, oo siyaasigii sidaa yahay oo meel walba koox yari isugu bahaysatay danyarta isla markaana aan la arkayn qof ka hadlaya danaha maatida iyo masaakiinta noloshiina cidhiidhi lagu galiyay dadkii shicibka ahaa oo kaba darane dushooda lagu baayactamayo anigaa cuni doona iyo anigaa cunaya iyadoo la joogo xili adag oo jiilaal dabayaaqadii ah miyi iyo magaalana lala halgamayo adaygga nolosha maxaa lagu kasban karaa ama qolyaha hirdamayaa ay ku doonayaan kalsoonida bulshada mase laga laga yaabaa in dadka samirkoodu uu ku noqdo kooxahan banbaano aa ay la kulmaan khasaare lama filaana isla markaana la helo ganacsato ilaahay ka cabsata oo bulshada u danaysa.

 

Iskusoo wada duuboo waxaa la gudboon kooxaha ku hirdamaya jaqista dhiiga maxasta ee isu kooxaystay inay danyarta mirtaan in ilaahay ay ka cabsadaan isla markaana ay ka hadlaan danaha masaakiinta.

 

Xukuumadda iyo goleyaasheedana waxaa la gudboon inay la socdaan isla markaana xil iska saaraan xaalada nololeed ee bulshada isla markaana ay xakameeyaan qiimayaasha lacagaha qalaad, shilinka dalkana qiimo loo yeelo

Bulshadana waxaa la gudboon inay ogaadaan in aan loo danayn balse laga danaysto waxaana marag ka ah amuurtaasi waxyaalaha xilligan adag lagu murmayo iyoSida aan loo ogayn xaaladooda siiba ganacsataduna aanay dan iyo muraad uga lahayn danyarta waayo waxay ka hadli lahaayeen halka maanta noloshiinu marayso balse lagama hadleen xeerar iyo bangiyo ama shirkado imikaba bulshada khasab ku haysata oo aan wax buuran kusoo celin xataa iyagoo macaash aan qiyaas lahayn oo badan hela.

 

Ilaahay dadkiisa ha u gargaaro inta aan umadda danteeda ka talinaynina haka qabto.

 

Qalinka: Axmed Cisman Batuun

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here