Weftigii Safiirka Finland U Fadhiya Dalka Kenya Oo Somaliland Intii Ay Ku Sugnayd Soo Kormeertay Mashaariic Finland Ka Wado Dalka + SAWIRRO

0
999

Hargeysa, (HargeisaPress) —Weftigii ay hogaaminaysay Safiirka  finland u fadhiya dalka kenya mrs TARJA FERNANDES oo booqasho dhawaan ku timi jamhuuriyadda somaliland ayaa kullano ay la qaadatay masuuliyiinta dalka somaliland  u sarreeya  sida madaxwaynaha, ka dib waxay sidoo kale soo socdaalo u kuur gal ah ku tagtay isla markaana soo  kormeertay mashaariic dalka finland ka wado somaliland.

 

Safiirkan oo badashay safiirkii hore dalkaas u fadhiyay dalka kenya ayaa goobaha ay soo martay waxaa ka mida  cisbitaalka wayn ee hargaysa iyadoo soo indha indhaysay sida ay u socdaan hawlaha caafimaad ee dalka  finland ka caawiyo somaliland kuwaas ay ka mid yihiin dhakhaatiirta dibada laga keeno ee ka hawlgala cisbitaalka guud ee hargaysa waxaana halkaas warbixino ku siiyay agaasimaha cisbitaalka hargaysa dr,axmed x cumar askar.

14017785_1175853995814753_1600246006_n

Kormeerkan oo ay safiirka ku wehelinayeen agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka somaliland saleebaan jamac diiriye iyo agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaarada caafimaadka faysa x axmed ibraahin,ayaa  intii lagu gudo jiray waxay safiirku carrabka ku adkaysay inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan dalkan iyagoo si toosa ugu gudbinaya, sidoo kalana waxay ballan qaaday inay cusboonaysiinayaan  caawimooyinka ay ku xoojiyaan adeegyada caafimaad ee dalka,waxaanay u mahad naqday masuuliyiinta caafimaadka iyadoo xustay inay sidii loogu talogalay u wadaan adeegyada ay gacanta ka gaysato dawlada finland kuwaasoo ay ka mid yihiin mashruuca JOINT HEALTH NUTRATION PROGARAME iyo adeegyada uu bixiyo cisbitaalka wayn ee hargaysa qaarkood oo ay gacan wayn siiyaan.

14011967_1175853875814765_1988373016_n

geestoodana masuuliyiinta wasaarada caafimaadka oo uu ugu horeeyo agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka mudane saleebaan jaamac diiriye ayaa u mahad celiyay safiirkan iyagoo u fududeeyeen kormeerka ay kusoo maraysay goobaha iyo adeegyada dhinaca caafimaadka ee ay taageerto finland.

14018064_1175853892481430_1410056205_n (2)

Gabogabadii waxay safiirku kulamo kula qaadatay xafiisyadooda agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradaasi.

 

Dawlada finland ayaa tan iyo sanadkii 2008 waxay somaliland ka caawinaysay qaybo ka mida adeegyada caafimaadka ee lagama maarmaanka u ah bulshada iyagoo aan cidna usoo marin caawimooyinka ay siinayaan dalka ee si toosa ugu gudbinayay,waana talaabo laga yaabo inay wax ku kordhiso horusocodka caafimaadka bulshada hadii ay finland sii korshiso taageerada ay siiso somaliland gaar ahaan xaga caadimaadka.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here