Wefti Maraykan Ah Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Cabdicasiis Samaale

0
981

Hargeysa, (HargeisaPress) — Weftiga Maraykanka ah ee uu hoggaaminayo danjire  Brain H. Phipps oo booqasho laba maalmood ah ku yimid magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay kulan gaar ah la yeesheen wasiirkii hore ee maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo dhawaan iska casilay xilka wasiirka waxbarashada ka dib markii laga qaaday wasiirka maaliyadda.

Kulankaas oo ahaa mid ay albaabadu u xidhanyihiin ayaa ahaa mid uu weftiga Maraykanku si gaar ah ula kulmay Md. Samaale, waxaanay warar aan rasmi ahayn oo kulankaas laga helay sheegayaan in weftiga Maraykanka ahi ay Wasiir Samaale kala sheekaysteen xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka, waxaana la sheegay inay si gaar ah uga wada hadleen arrimaha doorashooyinka oo ahaa qasdiga ugu weyn ee uu weftigan Maraykanka ahi Hargeysa u yimid.

Warku wuxuu sheegay in kulanka Samaale iyo weftiga Maraykanka ahi qaatay ku sinaan saacad, waxaanu kulankaasi soo jiitay indhaha dadka siyaasadda xiiseeya oo su’aalo badan iska weydiiyay kulankaas.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here