Wefdi Ka Socda Dalka Mareykanka oo Soo Gaadhay Somaliland

0
835

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wefdi ballaadhan oo ka socda dalka Mareykanka, ayaa maanta gelinkii bambe waxaa ay soo gaadheen magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.

Wefdigan, ayaa waxaa madaarka caalamiga ah ee Egal International Airport, ku soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalialnd, Maxamed Cabdilaahi Ducaale oo ay weheliyaan Wakiilka Somaliland ujooga dalka Mareykanka Amb. Bashiir Sheekh Cumar Good, Maareeyaha Madaarada Somaliland, Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan iyo madaxa machadka xalinta khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa, Naasir Maxamed Cali.

Waxaanay wefdigani qadar nasasho ah ku qaateen qolka martida ee madaarka Egal ee magaalada Hargeysa, waxaana loo gelbiyay goobtii loo cayimay inay ka degaan caasimada Hargeysa.

Wefdigan, ayaa booqashada safarkoodu waxaa uu qaadan doonaa in muddo ah iyaga oo kulamo muhiim ah la qaadan doona madaxda sarsare ee Somaliland, iyagoona ka dibna safarro ku gaalaa bixin doona qaybo ka mid ah gobolada Somaliland.

Imaanshaha wefdigan, ayaa ku beegmaya iyadoo Dibadbaxyo ay rabshado wata oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ay maanta ka dhaceen qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland, halkaasi oo ciidamadu ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal taageersan mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here