Madaxweyne Biixi oo Soo Bandhigay Ujeedada Ay Mucaaradku Ka Leeyihiin Mudaharaadyada

0
1560

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo warbaahinta dowladda ka hadlay goordhaweyd, ayaa ka hadlay mudaharaadyadii rabshadaha watay ee maanta ka dhacay qaybo ka mid ah Somaliland ee ay ka dhasheen khasaaraha dhimashada iyo dhaawacu.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa khasaarihii maanta ka dhashay mudaharaadkii dhacay masuuliyadeeda dusha u saaray madaxda xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani.

“Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca leh ee maanta dhacay waxaa ka mas’uul ah Guddoomiyaha xisbiga Waddani, Guddoomiyaha xisbiga UCID iyo Guddoomiyihii hore ee xisbiga Waddani.” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in xisbiyada UCID iyo WADDANI ay ujeedada ay dadka dagaalka iyo fidmada u gelinayaan tahay in aanay la tartamin ururrada immika la diiwaangeliyey ee sharciga ah, islamarkaana Faysal iyo Cirro markii ay xilka hayeen ahaa kuwii abaabulay ee sharcigaa saxeexay.

“xisbiyada UCID iyo WADDANI waxa u qarsoon oo aanay dadka u sheegayn oo ay dagaalka iyo fidmada u gelinayaan, yeynaan la tartamin ururrada immika la diiwaangeliyey oo sharci ah oo weliba labada nin ee WADDANI isku wareejiyey markii ay xilka hayeen iyagu ahaa kuwii abaabulay ee sharcigaa saxeexay.” ayuu yidhi.

Geesta kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Musharrax Cirro ku dhaliilay in uu xisbiga Waddani ku wareejiyay nin aanu tacab ka galin xisbiga.

“Guddoomiyihii hore ee xisbiga Waddani waxay ula eekaatay in uu guul ku gaadhayo inuu xisbiga Waddani ku wareejiyo nin aan xisbiga Waddani waxba ka dhisin tacab ka galin oo hadimo uu u gaysto mooyee xisbiga Waddani aan maalin qudha waxba ku tarin” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here