Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Go’aamo Soo Saaray

0
631

Muqdisho (Hargeisa Press) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa soo saaray go’aamo la xidhiidha ilaalinta nidaamka shaqada iyo hantida qaranka ee Soomaaliya.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu wargeliyay Golaha Wasiirada in ay ilaaliyaan ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda Soomaaliya, marka ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo.

Warqadda, ayaa sidoo kale lagu sheegay “Waxaa reeban magacaabis iyo shaqo ka joojin Saraakiisha darajooyinka sare oo aan waafaqsaneyn dastuurka iyo Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda.”

Golaha Wasiirada Soomaaliya, ayaa la faray, ka hor inta aanay sameyn xil magacaabis ama is bedel ay ku sameeyaan masuuliyiinta ka tirsan hay’addaha ay madaxda ka yihiin in ay waafajiyaan sharciga, isla-markaana ay wada tashi kala yeeshaan Ra’iisal Wasaaraha.

No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here