Caynaba: Wasaaradda Degaanka Oo Dhir U Qaybisay Xaafadaha Magaaladda

0
772

Caynaba (Hargeisa Press.com): Wasaaradda degaanka Somaliland ayaa maanta magaaladda Caynaba ee gobolka Saraar ku qaybisay in ka badan 2500 oo geed oo lagu qurxinayo bilicda magaaladda.

Waxaana dhirtaasi qaybiyay Isu-duwaha wasaaradda degaanka ee gobolka Saraar Farxaan Saleebaan Gaas iyo xoghayaha gobolka Saraar.

Dhirtaasi ayaanu u qaybiyay xaafadaha magaaladda Caynaba, xarumaha dawladda iyo xaafadaha barokaceyaasha ee magaaladda Caynaba.

Farxaan Saleebaan Gaas, ayaa ugu baaqay dadweynaha in ay beertaan dhirtaasi, isla markaana ilaashadaan oo aanay dayicin dhirta loo qaybiyay.

Geesta kale isu-duwaha ayaa sheegay in ay olole ku qaadayaan Dhuxulaysata degaankaasi oo uu tilmaamay in cidii ay ku soo qabtaan in maxkamadda la gayn doono.

Halkan Ka Daawo Qaybinta Dhirtaasi iyo Isu-duwaha oo Ka Hadlayay:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY