Wasiir Koore: “Ma Jiro Dagaal Ay Kooxaha-Huwantu Ku Jabiyeen Ciidamada Somaliland”

0
1666

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa ka hadlay dhacdadii todobaadkii hore ay Ciidamadda Qaranka Somaliland kaga soo baxeen fadhiisimo ay ku lahaayeen gobolka Sool.

Waxaanu sheegay wasiirku in taariikh ahaan marka dib loo raaco mudadda ay Somaliland jirtay in dhawr jeer oo hore ay dhacday in Ciidanka Qaranka Somaliland ay ka baxaan fadhiisimo ay ku lahaayeen Sool.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore, waxa uu tilmaamay in aanay jirin in dagaal ay kooxaha huwanta SSC ku soo jabiyeen ciidamadda Somaliland, balse sababta soo bixitaanka ay ka timid dhinaca ciidanka qaranka Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay munaasibad xadhigaga lagaga jaraya xarunta akhriska Hargeysa.

Waxa kaloo uu wasiir Koore, ka hadlay warar isaga la xidhiidhay oo maalmahan baraha xidhiidhka bulshadda ee Internet-ka lagu baahiyay, isagoona ka sheekeeyay shaqsiyaadka ka danbeeya in isaga mar kasta wax laga sheego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here