Wefti Ka Socda Dalka Jarmalka oo Booqasho Ku Tegay Magaalada Berbera

0
1070

Berbera (Hargeisa Press)- Wefti ka socday dalka Jarmalka oo uu hoggaaminayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale, ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Berbera.

Waxaanay weftigaasi soo kormeereen dekadda Berbera, qaybta ay maamusho shirkadda DP World, iyo garoonka diyaaradaha magaalada Berbera.

Weftigani ayaa qayb ka ahaa wufuudii caalamiga ahayd ee ka qayb gashay shirkii isbedelka cimiladda Geeska Afrika, iyo amaanka, oo dhawaan lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

 

Markii ay weftigaasi gaadheen Berbera, waxaa halkaa ku soo dhaweeyay, isla markaana ay kulan la yeesheen badhasaabka gobolka Saaxil Cali Case, iyo maareeyaha dekadaha Somaliland Siciid Xasan C/laahi, iyo maamulka degmadda Berbera.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale, oo ka warbixinayay u jeedadda kormeerka weftigaasi uu hogaaminayay ay Berbera ku tegeen ayaa sheegay in ay soo qiimaynayeen hawlaha shaqo, iyo horumar ee ka socda magaaladda Berbera.

Waxaanu tilmaamay agaasimaha guud in weftigani ay ka qayb galeen shirkii is-dhexgalka, iyo Kobcinta u adkaysiga saamaynta isbeddelka Cimilada ee Somaliland ee Geeska Afrika, kaasoo todobaadkii hore ka qabsoomay xarunta Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland ee magaaladda Hargeysa.

Geesta kale xubnahan weftiga ka socday dalka Jarmalku soo kormeereen qaybaha kala duwan ee dekadda Berbera, halkaasoo uu warbixino la xidhiidha horumarkanka socda dekadda ku siiyay maareeyaha dekadaha Somaliland Siciid Xasan C/laahi.

Waxaanu maareeyuhu uga mahad celiyay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland weftigan heerka caalami ah ee uu booqashadda, iyo kormeerka ugu keenay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here