Cusbitaalka Guud Ee Burco Oo La Gaadhsiiyay Qalab Caafimaad

0
338

Burco (HP): Maamulka cusbitaalka Guud ee magaaladda Burco ayaa maanta la wareegay qalab caafimaad oo dhamaystiran.

Qalab caafimaad waxaa soo diray jaaliyada reer Somaliland ee ku nool dalka Canada, kuwaasoo ku soo caawiyay cusbitaalka Burco si addeegyadiisa caafimaad kor loogu qaado.

Waxaana qalabkaasi caafimaad la wareegay agaasimaha cusbitaalka guud ee Burco, Dr. C/raxiin Xiis Cabdi, oo uu wehelinayay isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer, iyo masuuliyiin kale.

Dr. C/raxiin Xiis Cabdi, agaasimaha cusbitaalka guud ee Burco oo ka dareen celiyay qalabkan caafimaad ee ay la wareegeen ayaa si weyn ugu mahad celiyada Somaliland ee degan dalka Canada, ee qalabka soo diray.

DAAWO:Cusbitaalka Guud Ee Burco Oo La Gaadhsiiyay Qalab Caafimaad:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here