“Waxaa Qalbigu i Xanuunaa Marka Ardaydu Ku Weydiinayaan Ma Dagaal-baa Dhacaya”

0
2009

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan mudanayaasha aqalka golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Biixi iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyadda mucaaradka.

Xildhibaan Barkhad, ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in ay Somaliland wajahayso xaaladdii ugu adkeyd, islamarkaana loo baahan yahay in la bad-baadiyo mustaqbalkeeda.

“Waa xaaladdii ugu cakirneyd ee ay gasho Somaliland, kuma talinayo inay faraha ka baxdo nabad-gelyada Somaliland,” ayuu yidhi Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun.

Waxaa uu Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, xusay in xittaa khilaafkan siyaasadeed ee ka taagan Somaliland uu saameeyey dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo nolosha guud ahaan dadka Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu walaac xoogan ka muujiyay sida ay arrintu ku socoto marka la eego hubanti la’aan ka jirta Somaliland iyo hadallada kul-kulul ee ay isweydaarsanayaan xukuumadda iyo mucaaradku.

Xildhibaan Batuun, ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in qof kasta, gaar ahaan ardayda ay is weydiinayaan meesha ay ku dambeyn doonto xaaladda iyo inuu dagaal ka dhacayo dalka.

“Waxaa qalbigu i xanuunaa marka ardeyda dariiqyada mareysa ee iskuulada tagaya qaarkood ay ku weydiinayaan adeer ma dagaal baa ka dhacaya Somaliland” ayuu yidhi Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun.

Waxaa uu ugu dambeyn farriin u diray xukuumadda iyo mucaaradka, isaga oo ka dalbaday inay u tudhaan shacabka, ayna ka wada shaqeeyaan sidii loo qaboojin lahaa khilaafka taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here