Wax Badan Ka Ogow Taariikha Xildhibaan Faratoon

0
458

Hargaysa (HP): Xuldhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), waxa uu ka mid yahay xildhibaanadii golaha Wakiiladda Somaliland ee dhawaan la soo doortay.

Waxaana xildhibaan Faratoon, uu ka soo baxay xisbigs Kulmiye xildhibaanadiisa laga soo doortay gobolka Sool.

Xildhibaan Faratoon, ka hor intii xildhibaannimadiisa waxa uu ahaa wasiirka arrimaha dibadda Somaliland isagoo sidoo kalena soo qabtay xilka wasiirka waxbarashadda xukuumadihii Kulmiye ee kala danbeeyay.

Sidoo kale Faratoon, ayaa xiligii aasaaskii jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii sida weyn uag soo shaqeeyay hawlihii nabadaynta dalka.

Waxaanu xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumadii Alle ha u naxariistee madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Waxaana aad loogu xasuustaa xildhibaan Faratoon, kaalintii qiimaha lahayd ee uu ka soo qaatay dedaaladii dib u dhiska dalka.

Geesta kale xildhibaan Yaasiin Maxamuud Faratoon, ayaa hadda murashax u taagan qabashadda kursiga guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland oo la filayo in dhawaan ay dhacdo.

Isagoona ah xildhibaanka haysta tiradda ugu badan ee xubnaha u barratamaya kursiga guddoomiyaha golaha Wakiiladda.

Hadaba, waxaan halkan idiin ku soo gudbinaynaa barnaamij dheer oo uu TV-ga qaranka Somaliland ka diyaariyay guulihii la mahadiyay ee uu Faratoon, u soo hooyay Somaliland mudadda ay jirtay.

 

DAAWO: BARNAAMIJLAASI:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here