Dhaq-dhaqaaqa Kala Iibsiga Sayladda Xoolaha Hargaysa Oo Kor U Kacay+Sawirro

0
679

Hargaysa (HP): Waxaa maalmihii u danbeeyay dhaq-dhaqaaq weyn oo dhinaca kala iibsiga xoolaha nool ah laga dareemayay guud ahaanba Sayladaha xoolaha lagu iibiyo ee dhulka Soomaalida gaar ahaana caasimadda Hargaysa.

Iyadoo ay sanad kastaba marka ay soo dhawaato uu si weyn kor ugu kaco wax kala iibsiga xoolaha ee Sayladaha ayaa hadana waxaa dhawrkii maalmood ee u danbeeyay uu dhaq-dhaqaaqiisu u kordhay Sayladaha xoolaha ee magaaladda Hargaysa.

Kor u kaca wax kala iibsiga Sayladaha xoolaha Hargaysa ayaa ah mid inta badan yimaadda  maalinta weynee Ciidul-Adxa oo la filayo in ay ku beegan tahay maalinta berry ah.

Taasoo ay guud ahaanba dadka muslimiinta ahi maalintaasi gawracaan neef Adhi ah gaar ahaana Wann, taasoo ka mid ah arkaanta islaamka ee ku beegan maalinta gudashadda Xajka ee ay muslimiinta xujayda ahi taagan yihiin buurta Carraf.

Waxaanay dadka muslimiinta ah qoys kastoo awoodayaaba garacaan maalinta Ciidul-Adxa marka laga soo baxo tukashadda salaadda neef Adhi, kaasoo ay dadku sii iibsadaan maalmaha ka horeeya Ciidul-Adxa.

Xawliga ku yimid kala iibsiga xoolaha ee Sayladda Hargaysa ayaana ka dhashay iyadoo ay dad badani iibsanayaan xoolaha, taasoo sidoo kalena faa’iido iyo helitaan dhaqaale u keenta bulshadda xoolo dhaqatadda ah.

Kuwaasoo xoolaha ahminka ah sida Wannanka, Argidda iyo xoolo kaleba maalmaha ay soo dhawaato Ciida Carrafo u iib keena Sayladaha xoolaha ee magaalooyinka.

Sida ka muuqata ama laga arki akrro muuqaalo ay baahiyeen iyo sawirro weriyeyaal saaka booqday Sayladda xoolaha ee Hargaysa waxaa la arki karaa sida weyn ee uu kor ugu kacay wax kala iibsiga xoolaha ee Sayladda Hargaysa.

Waxaana Sayladda ku sugnaa saaka boqolaal dadweyne ah oo isugu jiray kuwo xoolo dhaqato ah oo iib keenay xoolo isugu jiray Adhi, Geell, iyo Lo’. Sidoo kale waxaa Sayladda joogay dadka doonaya in ay xoolaha iibsadaan si ay u qashaan maalinta Ciidul-adxaa.

Geesta kale,  waxaa sayladda ka jiray saaka saxmad aad u badan oo ka dhalatay boqolaalka dadweynaha ah ee  qaarkoodan xoolaha iib keeneen, qaarna iibsanayeen, dilaaliinta u akla iibiya, shaqaalaha dawladda hoose ee cashuurta ka qaada iyo kuwo kale.

Saxmadda iyo buuxa ka jiray sayladda xoolaha ee Hargaysa ayaa muujinaya sida ay dadweynuhu ugu diyaar garroobayaan munaasibadda Ciidul-Adxa, oo ku beegan maalinta berry ah.

Dhinaca kale, telefishanka qaranka Somaliland ayaa la hadlay qaar ka mid ah dadweynihii kala duwanaa ee ku sugnaa Sayladda xoolaha Hargaysa, kuwaasoo ka dareen celiyay sida uu yahay suuqa kala iibsiga xooluhu.

Waxaanay sheegeen qaar ka mida dadweynahaasi in uu maanta aad u sareeyay suuqa kala iibsiga xoolaha ee Sayladu, isla markaana xoolaha lagu iibsanayay qiimeyaal kala duwan.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here