Wasiiru Dawlaha Amniga Somaliland Oo Fara Galin Joogta Ah Ku Haya Shirkadda Prime

0
1631
Wasiiru dawlaha amniga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye

Hargeysa,(HargeisaPress) —Xukuumadda Somaliland oo uu hormuud ka yahay Wasiiru dawlaha amniga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa wali dab ka wada ganacsato Carbeed shirkadda PRIME mulkiyadeda ku haysta muwaadin reer Somaliland ah oo ay dhawaan Maxkamadda Somaliland xukun ka soo saartay khilaaf u dhaxeeyey isaga iyo qolo Carbeed.

Go’aanka Maxkamadda ayaa ka danbeeyey kadib markii ganacsatada Carbeed ay dacweeyeen muwaadinka leh Shirkadda Prime Somaliland iyo Suldan Limited LTD Mr. Maxamed Xasan Ismaciil (Xamaada).

Mulkiilaha Shirkadda Prime Somaliland Mr. Maxamed Xasan (Xamaadi)  oo HargeisaPress la soo xidhiidhay,  ayaa ku eedeeyay Wasiiru dawlaha amniga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye inuu iska indhatirayo Qaraarkii Maxakamadda Sare soo saartay ee loogu xukumay mulkiilaha Shirkada Prime Somaliland & Sultan Ltd Maxamed Xasan (Xamaadi) .

Xukuumadda Somaliland ayaa ku hawlan sidii ay ugu wareejin lahayd qalabkaasi ganacsatada Carbeed, maadaama Maxkamaddu go’aan fulineed u soo saartay, waxaanay wasaaradda Arrimaha guduhu ku hawlan tahay sidii ay ugu soo ururin lahayd qalabka shirkaddaas oo ku kala filiqsan dhawr meelood.

Mulkiilaha Shirkadda Prime Somaliland ayaa Bulshada iyo Dowlada Somaliland ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siiraanyo ugu baaqa inay soo Faragaliso, fargalinta qaawan ee uu ku hayo Wasiiru dawlaha amniga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo u adeegaya cawad shisheeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here