Wasiirro iyo Masuuliyiin Ka Tirsan Kulmiye Oo Kormeeray Daarasalaam

0
1035

Daarsalaam (HP): Wasiirka biyaha Somaliland iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga kulmiye ayaa maanta kormeer ku soo maray deegaamo ka tirsan degmadda Daarasalaam oo ka tirsan gobolka Maroodijeex.
U jeedada kormeerka masuuliyiinta ayaa la xidhiidhay sidii ay bulshadda deegaamadaasi ugu wacyigelin lahaayeen qaadashadda kaadhka codbixinta.
Iyadoo diiwaangelinta codbixiyeyaashu maalintii labaad ka socoto gobolka Maroodijeex iyo Saaxil.


Masuuliyiintaasi ayaa kala ahaa wasiirka wasaaradda biyaha Maxamed Muuse Diiriye, xoghayaha xisbiga Kulmiye Ibraahim Axmed Raabi.
Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Maroodijeex C/raxmaan Hadhiye, afhayeenka Kulmiye C/naasir Buuni, iyo xubno kale.
Waxaanay masuuliyiintaasi kula dar daarmeen bulshadda degmadda Daarasalaam in ay qaataan kaadhka codbixinta.
Daawo: Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here