Wasiirrada Beeraha, Xanaanadda Xoolaha, Deegaanka iyo FAO oo Shir Wadda Yeeshay

0
580

Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxa uu shir magaaladda Hargaysa ku dhex maray wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, Wasiirka Xanaannada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed.

Sidoo kale waxaa kulankaasi qayb ka ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga iyo Madaxda Hay’adda FAO.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xafiiska wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland ayaa ku saabsanaa dedaallada ay Wasaaradda Beeraha iyo guud ahaan Hay’adaha Dawladdu ugu jiraan Horumarinta Qaranka.

Waxaana lagaga hadlay dhismaha Xarunta la dagaalanka Ayaxa oo ay dhawaan si wada jir ah u dhagax-dhigeen Wasiirka Beeraha iyo Dhiggiisa Xanaanada Xoolaha iyo saamaynta Sumihii hore ee Ayaxa ee halkaa yaallay ku yeelan karto Dadka iyo Xoolaha ku nool deegaanka dhismuhu ka socdo.

Wasiir Axmed Muumin Seed iyo Wasiir Siciid Sulub Maxamed iyo Madaxda Hay’adda FAO ee arrintan shirka ka yeeshay.

Waxa uu si weyn iskula fallan-qeeyay sida ugu habboon ee looga taxaderi karo Sumihii hore ee yaallay Xarunta dib u dhiska lagu samaynayo ee Ayaxa ee Koonfurta Magaalada Hargeysa iyo sidii si deg-deg ah loogu dhamaystiri lahaa Xarunta.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here