“Ma jirto cid laga guulaystay dhamaanteenba guul baynu wada gaadhnay”…

0
513

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Khadar Cali Xakiin, oo ka mida mudaneyaasha cusub ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa guul weyn oo uu guud ahaanba qaranka u soo hoyatay ku tilmaamay doorashadii shir-guddoonka goahaasi.

Mudane Khadar Cali Xakiin, waxa uu sheegay in doorashadaasi ay sumcad weyn u tahay guud ahaanba qaranimadda Somaliland, isla markaana ay muujinayso qaan-gaadhka dimoqraadiyadeed ee ay Somaliland ku talaabsatay.

Xildhibaan Kahdar, oo ka mida mudaneyaasha ka soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee laga soo doortay gobolka Sanaag oo warbaahinta kula hadlay huteelka Xayaat ee magaaladda Hargaysa.

Waxa uu sidoo kale madaxweynaha Somaliland iyo xisbigiisa Kulmiye ku bogaadiyay in ay aqbaleen guusha mucaaradka ee hanashadda shir-guddoonka golaha Wakiialdda cusub.

Geesta kale xildhibaanku waxa uu tilmaamay in aanay jirin cid laga guulaystay iyo cid guulaysatay, balse ay Somaliland oo dhan wada guulaysatay.

DAAWO: Xildhibaan Khadar Cali Xakiin Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here