Cabdilaahi Cukuse Muxuu Ka Yidhi Guuldaradii Kulmiye Ka Soo Gaadhay Shir-guddoonka Wakiillada?

0
1487

Hargeysa (Hargeisa Press) – La taaliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Cabdilaahi Maxmed Daahir Cukuse, ayaa waxaa uu ka hadlay Doorashadii maalintii shalay ahayd ay Xildhibaanada cusub ee golaha Wakiillada Somaliland ku doorteen shir-guddoonka.

Xildhibaanada cusub ee golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Cabdirisaaq Khaliif Axmed u doortay guddoomiyaha cusub ee Golahaasi.

Doorashadaasi oo ahayd mid xiiso leh, ayaa waxaa ku tartamay laba musharrax oo kala ahaa Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Cabdirisaaq Khaliif, ayaa helay 42 cod, halka Yaasiin Maxamuud Faratoon oo laga guuleystay uu helay 39 cod.

La taaliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay guuldaradii Xisbiga Kulmiye ka soo gaadhay shir-guddoonka golaha Wakiillada.

Cabdilaahi Cukuse, waxaa uu sidoo kale ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo maareen guud ahaan doorashooyinka Somaliland.

Geesta kale, La taaliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa baaq u diray Xisbiyadda Qaranka iyo guud ahaan shacabka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here