Wasiiro Galbinaya Dhalinyaro Xukumaddu Hore U Xidhay Oo Boorama Socdaal Ku Yimid Iyo Xildhibaanno Wali Xidhan

0
826

Boorama, (HargeisaPress) —Wefti Wasiiro ah oo ka tirsan Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa  galinkii dambe ee Sabtida soo gaadhay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, kuwaasi oo galbinaya Dhalinyaro laga sii daayay Xabsiga Mandheera ka dib markii Boorama lagaga soo qabtay iyagoo Mudaharaadaya.

Weftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa ujeedadiisa ku sheegay inay wada hadalo la galayaan Waxgaradka Awdal, sidoo kalena ay Dhalinyaro Xiisadda Awdal u xidhnaa u soo celiyeen waalidkooda. Waxa uu sheegay inaan wali la sii dayn laba xildhibaan oo iyaga laftooda Xiisaddda Awdal loo xidhay.

“Waxaanu u nimid inaanu Gobolka soo bookhanno oo runtii baryahan Shaqaaqo yari ka jirtay, waxaa jirtay Dhalinyaro la qabqabtay maalmihii Mudaharaadka, Dhalinyaradiina waanu wadnaa,si aanu Waalidkood iyo Ehelkii iyo Gobolkoodii ugu soo celinno” ayuu yidhi Wasiir Warancadde.

Wasiirku waxa uu sheegay inay Waxgaradka Gobolka kala xaajoonayaan sidii loo dhamaystiri lahaa Xiisadda Gobolka “Waxaanu wada hadal la yeelanaynaa Waxgaradka Gobolka iyo indheer garadkaba, waxaanuna rajaynaynaa inaanu si fiican isku fahmi doono”

Wasiirku waxa uu sidoo kale ka hadlay Xildhibaanada Golaha degaanka ee wali u xidhan Shaqaaqada Awdal “Labada Xildhibaan iyagu dawladday ka tirsan yihiin,markaa dawladday wada hadlayaan,markaa iyaga dhalinyarada iyo Ciyaala iskuulka lama raacinayo ee si gaara ayaa loola hadlayaa”

Weftigan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Daakhiliga, wasiirka Boosaha iyo Xubno kale ayaa la filayaa inay dhawr maalmood halkaasi ku sugnaadaan.

Suldaanka Buuraha galay ee Shaqaaqada ka abuuray Gobolka Awdal ayaan ilaa hadda wax xal ah laga gaadhin hawshiisa, isagoo wali Buuraha ku dhuumaalaysanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here